Tuesday, August 25, 2026
Sadexda Xisbi ee Somaliland & gudiga doorashooyinka ayaa maanta kala saxiixday xeerka hab-dhaqanka (code of conduct) ee diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha iyo doorashooyinka. Saddexda Xisbi ayaa soo dhaweeyey Xeerkaan Hab-dhaqanka Diiwaan-gelinta cod-bixiye-yaaashu u socon doonta, isla markaana ku wada shaqayn doonaan saddexda xisbi qaran iyo guddida doorashooyinka taas ay soo diyaarisay Akadamiga...
Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa kulan la qaatay madaxa xafiiska siyaasada QM, Magnus Bjarnason. Kulanka oo la dhacay xafiiska QM ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta...
Gudoonka Baarlamanka dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dowladda Somalia ayaa xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loosoo celin lahaa nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.Mudane Jawaari oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa intii uu halkaasi joogay kulamo goni goonoi ah la qaatay masuuliyiinta...
Xukuumadda Turkiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaadday inay saldhig millateri ka sameysanayso Somalia, taasoo qayb ka ah ballan-qaad ay kala saxiixdeen labada xukuumadoood oo lagu taageerayo dhismaha ciidamada Qalabka Sida ee Somalia iyo qalabeyntooda. Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa qorshaha saldhiggan ay uga hirgelinayso dalka Somalia ku sheegtay...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb-galey xaflad lagu furayay garoonka diyaaradaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari oo dhawaan dayac-tir lagu sameeyay. Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay xafladda furitaanka Garoonka ayaa sheegay in hir-gelinta mashruucan uu ka tarjumayo dib u dhiska iyo dib u soo kabashada...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta casar-gaabkii ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso ,waana booqashadiisi ugu horeysay ee uu ku yimaado Bosaaso tan iyo markii loo doortay madaxweynaha dalka. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa...
Qashin fara badan oo dhawaanahaan yaallay Gudaha Xaafadda Eastleigh (Islii) ee magaalada Nairobi iyo xirnaanshaha waddooyinka dhex-mara xaafadaas qaarkood ayaa sababay in maanta loo qaybiyo xarumaha ganacsiga Islii qaar ka mid ah waraaqo wargalin ah oo ku saabsan inaysan bixin lacagta canshuuraha ah ee la siiyo Dowladda Hoose ee...
Madaxweynaha Maamulka Galmudug, Cabdikarim Xuseen Guuleed ayaa dhaliilay safar uu maanta guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ku tagay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galguduud. Guuleed ayaa safarka Maxamed Sh. Cusmaan ku Tilmaamay mid aan u adeegeyn Nabadeynta iyo Wadahadaladii u dhaxeeyay maamulkiisa iyo maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca.   Wareysiga uu C/kariin Guuleed siiyay...
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in shir ay maanta golaha wasiirrada Soomaaliya ku yeesheen Muqdisho lagu go’aamiyay in xiriirka siyaasadeed loo jaro dalka Iiraan, waxaana war-saxaafadeed ay maanta soo saaray wasaarada arrimaha dibadda Somalia lagu sheegay in xiriirkii siyaasadeed loo jaray Iiraan. Kulankan ayaa warbixinno looga dhegeystay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda...
Ugu yaraan laba qof ayaa ku geeriyooday tiro intaa ka badanna way ku dhaawacmeen iska-horimaad maanta xaafadda Zone K ee degmada Hodan ku dhexmaray ciidammo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya. Iska-horimaadkan oo socday muddo laba saacadood ah, kaasoo ka billowday dhul la isku-haysto oo ay ciidamada booliiska Somalia...