Yuusuf Dabageed; Gud/gobolka Hiiraan oo la kulmey madaxda xafiiska Q/M u qaabilsan gobolka Hiiraan.

0
255

Guudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar [Daba-geed] oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa kulan la qaatay madaxa xafiiska siyaasada QM, Magnus Bjarnason.

Kulanka oo la dhacay xafiiska QM ee magaalada Beledweyne ayaa waxaa goob joog ka ahaa taliyaha ciidammada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa AMISOM Col Cismaan Dubad, waxaana kulanka labada dhinac uu ahaa mid u badnaa is barasho si loo xoojiyo wada-shaqeynta maamulka iyo xafiiska UN-ka ee ee gobolka Hiiraan.

”Dabcan shirku wuxuu ahaa mid isbarasho iyo wadda-shaqeyn dhaxmarta maamulka iyo xafiiska QM, waxyaabo badan ayaan ka wada hadalnay waanan isku afgaranay dhamaan qodobbadii aynu isla soo hadal qaadnay ayuu yiri” guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Kulanka dhaxmaray labada dhinac maamulka gobolka iyo madaxa xafiiska QM ee gobolka Hiiraan ayaa ku soo beegmaya xili la isku diyaarinayo dhismaha maamulka ay yeeshaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Ugu danbeynt, lama oga in guddoomiyaha iyo madaxa xafiiska UN-ka ee gobolka Hiiraan isla soo qaadeen arinta ku saabsan shirka lagu waddo inuu dhawaan ka furmayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.