Prof. Jawaari oo u jawaabey C/kariim Xuseen Guuleed sheegeyna in uu nabadda meel walba u tagayo.

0
249
Gudoonka Baarlamanka dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in dowladda Somalia ayaa xoogga saari doonto arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii loosoo celin lahaa nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.Mudane Jawaari oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa intii uu halkaasi joogay kulamo goni goonoi ah la qaatay masuuliyiinta Ahlusunna Waljameeca ee gobolka Galgaduud, odoyaal dhaqameed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmadaasi.Masuulkan ayaa sheegay in ay u tagayaan cid walba oo u yeerata oo dooneeysa maslaxada umadda Soomaaliyeed iyo in xal laga gaaro khilaafyada siyaasadeed ee dalka ka jira, isagoo xusay in dowladdu ay geed dheer iyo mid gaaban u kori doonto raadinta nabadda iyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

Gudoonka baarlamanka ayaa sheegay in masuuliyiintii Ahlusunna ee uu la kulmay ay ka aqbaleen in la ambaqaado dib u heshiisiin islamarkaana xal laga gaaro khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira gobolkaasi, arintaa oo uu sheegay in uu uga mahadcelinayo madaxda Ahlusunna Waljameeca.

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa mudooyinkii u danbeeyay ku sugna degmada Dhuusamareeb oo ay ka arimiso Ahlusunna Waljameeca, oo iyadu maamul ka madax bannaan kan Galmudug kaga dhawaaqday gobolka Galgaduud, waxaana safarka Jawaari uu ku tagay halkaasi si kulul u cambaareeyay madaxweeynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kaa oo sheegay in safarkaasi yahay mid dano gaar ah laga leeyahay.