Tuesday, August 25, 2026
Maamulka Puntland ayaa sheegay inay ka qabasadeen deegaanka Garmaal oo ku dhow degmada Eyl ee gobolka Nugaal ciidammo Al-shabaab ka tirsan oo habeen hore qabsaday. Guddoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in dagaalkii saakay dhacay ay ciidamada Puntland ku dileen 13-dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan, ayna deegaanka ka qabsadeen, isagoo xusay in...
Midowga Yurub ayaa shaaciyay inay joojiyeen gabi ahaan kaalmadii ay siin jireen dowladda Burundi, iyagoo u sababeeyay go'aankan inay ku guul-darreysatay xukuumadda Bujumbura joojinta colaadda ka socda wadankeeda iyo xad-gudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah oo ay ku kacday. Burundi ayaa waxaa tan iyo bishii Abriil ee sannadkii hore ka taagnaa...
Ciidamadii ka tirsanaa ururka Al-shabaab ee xalay la wareegay deegaan xeebeedka Gara-cad ee gobalka Mudug ayaa isaga baxay Deegaankaas, iyagoo u raqaanasaday dhinaca degmada EYL oo ka tirsan gobalka Nugaal. Ciidamadaan oo watay markii ay soo galayeen deegaanka xeebedka Garacad lix doomood oo kuwa waaweyn ah oo ay horay u...
Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa dowladda federaalka Somalia ku eedeeyay inay soo abaabushay ciidanka Al-shabaab ee qabsaday xeebaha Bari ee Puntland. Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Somalia ay Puntland ku abaabulayso kooxo argagixiso ah, iyadoo ku colaadinaysa diidmadii Puntland ee qaadashada...
Saraakiil ka socday xafiiska QM ee Soomaaliya oo uu Hoggaaminayay wakiil ka soday Danjiraha QM, ayaa maanta kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan. Kulankan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee deegaanka Ceel-jaale oo ku yaalla dulleedka Beledweyne, ayaa waxaa ka qeyb-galay duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan oo...
Madaxweynaha dalka Waqooyiga Kuuriya Kim Jong-Un ayaa maanta sheegay inay dhawaan tijaabin doonaan gantaallada xambaara madaxyada hubka halista ah ee Nuclear-ka iyo kuwa riddada dheer. Hanjabaada Kim Jong-un ayaa imaanaysa iyadoo xukuumaddiisa ay dhawaan ka bixinayay jawaabo adag cunno-qabteyn ay kusoo rogtay Qaramada Midoobay, iyagoo tan iyo markii xayiraada la...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kaga gudoomay warqadihii aqoonsiga danjiraha cusub xukuumadda Australia ee Somalia, wakiilkana uga noqon doona Somalia, Mr John Feakes. Xasan Sheekh ayaa wakiilka Australia uga warramay xaaladda Soomaaliya iyo horumarka ilaa iyo haatan lagu tallaabsadey ee dhinacyada dowlad-dhisida, baahinta xukunka, amniga iyo...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulay ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya, danjire Francisco Caetano Jose Madeira, iyagoo ka wadahadlay xoojinta ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya. Kulankan ayay mas’uuliyiintu uga hadleen fulinta baaqii kasoo baxay shirkii lagu qabtay dhawaan dalka Jabuuti, kaasoo ay ka qaybgaleen...
Wafdi ballaaran oo uu Hoggaaminayay madaxweyne ku xigeenka Puntland, C/xakiin C/llaahi Xaaji Cumar , ayaa maanta tagay deegaanka Buuro-wadal ee gobolka Sool, halkaasoo ay ka taagnayd xiisad ka dhalatay dhul ay bixisay dowladda hoose ee Puntland oo kusoo dhawaaday kaantoolka Waqooyi ee Garoowe. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah...
Koox hubaysan ayaa ku dilay maanta magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer Nin waday gaari xamuul ah oo isaga kala goosha Somaliland iyo Puntland oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Muuse Cawil, iyagoo markiiba ka baxsaday goobta, inkastoo markii dambe la soo qabtay dablaydaasi. Taliyaha qaybta Gobolka Togdheer Axmed Maxamuud Guutaale...