Al-shabaab ayaa sheegtay maanta in Weerar gaadmo ah ay ku dilay 12-askari oo ka tirsan ciidanka Kenya ee ka tirsan hawl-galka AMISOM, ayna la beegsadeen weerarka gaadiid kolonyo ah oo ay wateen Ciidamada dalka Kenya ee KDF-ta oo marayay Xayo oo u dhexeeya Qooqaani iyo degmada Afmadow ee Gobolka...
Xaaladda deegaannadii lagu dagaalamay ee Puntland ayaa la sheegayaa in maanta ay daggan tahay, inkastoo saakay laga maqlayay rasaas goobo ku dhow deegaanka Suuj ooo ka tirsan gobolka Nugaal ee Puntland.
Goobjooge ku sugan deegaannada Xeebaha Bari ee Gobolka Nugaal oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in Rasaas goos-goos ah...
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa warqad codsi ah u gudbiyay baarlamanka Jubaland, taasoo uu uga dalbanayay in la laalo qodobo dastuurka Jubbaland ka mid ah.
Madaxweynaha Jubbaland ayaa codsaday in la laalo qodobada 44-aad iyo 45-aad ee ku jira Dastuurka Jubbaland, kuwaasoo dhigaya in tirada wasiirrada Jubbaland ay...
Madaxweynihii hore ee Puntland, Jen. Cadde Muuse Xirsi oo ku sugan isu-tagga Imaaraadka Carabta, ayaa ka hadlay maanta weerarka boqolaal xoogagga Al-shabaab ka tirsan ay deegaannada Puntland ku qaaday, isagoo xusay in haddii aan la difaacin Puntland ay baaba’i doonto.
Cadde Muuse oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay inaanay ahayn...
Donald Trump oo dalka Mareykanka madaxweyne ka noqda, ayaa lagu Tilmaamay halista lixaad ee ugu weyn ee uu Caalamka wajahayo, sida ay warbixin ay soo saartay ku sheegtay koox cilmi-baaris sameysa oo lagu magacaabo EIU oo fadhigeedu yahay Britain.
Kooxdan ayaa sheegtay in halista ka imaan karta Donald Trump ay...
Waxaa manta Muqdisho looga dhawaaqay isbaheysiga ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda Somalia, Waxaana xisbiyada ku midoobay ay tiradoodu gaaraysaa illaa soddomeeyo xisbi dalka ka dhisan.
Kulanka looga dhawaaqay isbaheysigan ayaa waxaa laga akhriyay xeerka iyo mabaadi’da isbaheysiga, waxaana xubno ka ah asxaab ay hoggaaminayaan siyaasiyiin caan ah oo qaarkood...
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo booqasho ku jooga Talyaaniga, ayaa kulan saacado qaatay la yeeshay dhiggiisa waddanka Talyaaniga, Matteo Renzi, waxayna kulankooda kaga hadleen arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.
Sharma’arke...
-Qareen Cabdillahi Faarax Qaarey oo ah qareen Soomaaliyeed oo daggan dalka Ingiriiska ayaa warbaahinta u sheegay inuu khalad yahay xukun labo nin oo Soomaaliyeed maxkamad Belgium kutaalo ku xukuntay falal ay sheegtay inay ku heshay oo ah burcad badeednimo dartood.
Qareen Cabdillahi Faarax Qaarey ayaa sheegay in muwaadin Soomaaliyeed ay tahay in...
Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa xarunta madaxtooyada Somalia ee Muqdisho kula kulmay maanta madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Burundi, Gaston Sindimwo oo maanta booqasho laba maalmood ah ku yimid Somalia.
Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn ka mahad-celiyay doorka naf-hurnimada leh ee dowladda Burundi ay ka Qaadanayso sidii nabad waarta loogu soo...
Dagaalyahanno katirsan kooxda Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar qorsheeysan ku qaaday degmada Afmadow, ayadoo uu halkaasi iska horimaad xooggan ku dhexmaray ciidamadii degmadaasi ku sugnaa iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa bilowday abaare 12:00 Am, waxa uuna socday mudo laba saacadood oo xiriir ah sida ay inoo xaqiiijiyeen dadka deegaanka, ayadoo...

















