Wednesday, August 26, 2026
Nin lagu sheegay inu Soomaali yahay ayaa lagu tuhmayaa in Xaaskiisii iyo Saddex Carruur ah oo ay u dhashay uu ku dilay Deegaanka Tsakane ee ku taalla dulleedka magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika. Falkaan, ayaa yimid kaddib markii qoysaskii dariska la ahaa qoyskaan ay maalmo waayeen inay arkaan xubnaha...
Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, shan ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, Qarax goor-dhow lala eegtay maqaayad laga cunneeyo oo ku taalla agagaarka isgoyska Beexaani, degmada Shibis ee Gobolka Banaadir. Wararka hor-dhaca ah ee kasoo baxaya Weerarkan ayaa waxay sheegaya in qaraxa uu ahaa is miidaamin si toos...
Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa maanta dib u Qabsaday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe, kaddib markii ay ciidankii Itoobiya ee AMISOM iyo kuwii Somalia oo Arbacadii la soo dhaafay Al-shabaab kala la Wareegay degmadaas ay isaga baxeen. Ciidankii  Itoobiya ee AMISOM ayay wararku sheegayaa inay dib ugu laabteen deegaanka...
Shirweynaha dib-u-hishiinta iyo Aayo-ka-tallinta Gobolka Hiiraan oo maalintii Toddobaad ka socda Magaalada Beledweyne, waxaana si is-daba-joog ah u soo gaaraya wafuud u badan odayaal iyo waxgarad kasoo kala jeeda beelaha Somalia. Garoonka diyaaradaha Beledweyne ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay wafdi ballaaran oo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho, kuwaa oo...
Madaxweynaha dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo Markii Afaraad loo doortay Xilka Madaxweynaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa sheegay maanta inuu ku faraxsan yahay in shacabka reer Jabuuti ay mar kale isaga u doortaan xilka, iyadoo Musharraxiintii axsaabta mucaaradka ahaana ay natiijada doorashada kasoo baxday cabasho ka keeneen. Geelle, oo Xukumayay...
Xubnaha Xisbiga Midnimadda Jamhuuriga Soomaaliyeed ee Puntland ayaa kasoo hor jeestey heshiiskii dhawaan ay ku kala saxiixdeen Dawladda federalka iyo dawlad goboleedka Puntland,waxeyna sheegeen in ay tahey mid aan la aqbali karin shacabka Puntlandna aan u cuntameyn. Xubnaha xisbiga midnimada jamhuuriga oo uu u hadley mas'uul diidey in magaciisa la...
Guddoomiyaha Degmada Lixaad ee Minneapolis, Cabdi Warsame ayaa shalay hor-geeyay Golaha Deegaanka Minneapolis, qorshe ahaa gaadiid iyo qalab amaan oo loogu deeqayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland. Cabdi Warsame oo la hadlayay xildhabaanada guddiga is-kaashiga dowladaha (IGR Committee), ayaa Sharraxay farriinta ay deeqdaani dirayso xilli Muslimiinta Mareykanka ay...
Shacabka dalka Jabuuti, ayaa saakay aroortii u dareeray Goobaha cod-bixinta Doorashooyinka Madaxnimo ee Waddankaas oo Jimcaha maanta ah dhacaysa. Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya lix murashax oo uu ka mid yahay madaxweynaha talada dalkaas haya Ismaaciil Cumar Geelle oo ku tartamaya magaca xisbiga aqlabiyadda dalkaas ee UMP. Madaxweyne Geelle ayaa waxaa...
Turkiga ayaa sheegtay Maanta in la dhameeyay khilaafkii iyada iyo Israa’iil sanadaha ah u dhexeeyay, kaddib Wadahadallo ku dhexmaray magaalada London ee xarunta dalka Britain. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga, ayaa maanta shaacisay in lasoo af-jaray murankii siyaasadeed ee Turkiga kala dhexeeyay Israa’iil, ayna labadoodu gaareen heshiis rasmi ah oo murankaas...
Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa Wareysi siiyay laanta Af Soomaaliga ee Idaacadda SBS ee dalka Australia kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay Nidaamka Awood-qaybsi ee 4.5-ka oo dhawaan uu maamulka Puntland ogolaaday in lagu saleeyo doorashada Dalka ka dhici doonta dhammaadka...