Dowladda Somalia ayaa lagu wadaa in dhawaan si rasmi ah loogu wareejiyo maamulka hawada Somalia iyadoo Muqdisho la keenay qalabka lagu hago diyaaradaha, kaasoo la sheegay in laga keenay Magaalada Nariobi ee xarunta dalka Kenya.
Wararka ayaa intaa raacinaya in toddobaadka soo socda lagu wareejiyo maamulka Hawada Somalia Wasaaradda gaadiidka,...
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta markii 4-aad loo caleemo-saartay loona dhaariyay xilka madaxweynenimo ee dalka Jabuuti, kaddib markii xilka loo doortay horraantii bishii lasoo dhaafay ee Abriil, 2016-ka.
Xafladda Caleemo-saarka Geelle, ayaa waaxa ka Qayb-galaya madaxda Gobolka oo uu ka mid yahay; Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo...
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare ee dalka, Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf oo shir jaraa’id xalay ku qabtay Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegay inuusan doonayn in dartiisu uu dalku qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur u galo.
Avv. Ilka-Xanaf ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo xil ka qaadista Madaxweynaha, isla markaana uu diyaar u yahay...
Ugu yaraan saddex ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Askar ka tirsan ciidamada dowladda Somalia ayaa ku dhaawacmay qarax bambo oo lagula eegtay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.
Askarta labada ah ee dhaawacmay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya ee ka hawl-gala suuqa Bakaaraha, waxaana...
Munaasabad ballaaran oo loogu talo-galay furitaanka xarun cusub oo qaabilsan Cilmi-baarista, Dhaqanka iyo Nabadda (Center of Research For Culture and Peace (CRCP), ayaa looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, xildhibaanno, wasiirro, wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal guud, Safiirro, Aqoon-yahano, Xeel-dheerayaal dhaqan, Haween, dhallinyaro iyo marti-sharaf kale oo...
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Shiikh Maxamed Faroole ayaa lagu marti-qaaday xuska gooni-isu-taagga Somaliland oo ku beegan 18-ka bishaan May, 2016-ka.
Saraakiil ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Warbaahinta Somaliland u sheegay in si Rasmi ah loogu casuumay siyaasiyiintan Xuska 18-ka May, iyaguna...
Madaxwaynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo, ayaa maanta u dhoofay dalka Jabuuti oo la sheegay in uu ka qaybgalayo xafladda caleemo-saarka madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maalinta Barri ka qabsoomi doonta dalkaasi.
Afhayeenka madaxweyne Siilaanyo, Cabdiraxman Sheekh Cilmi Fahiye (Shamax), ayaa u sheegay saxaafada in...
Jaaliyadda Somaliland ee Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro oo dhawaan Mareykanka ku tagay safar.
Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid Gobollada Mareykanka ayaa ka Qayb-qaadanayay soo dhaweynta C/raxmaan Cirro oo xaflad soo dhaweyn...
Kooxo hubeysan ayaa salaaddii maqrib ee caawa kaddib ku dilay Waqooyiga Degmada Gaalkacyo ee gobolka Mudug Ganacsade caan ah, kaasoo ahaa Maareeyaha Shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL ee Gobolka Mudug.
Ganacsadahan la toogtay oo lagu magacaabi jiray, Inj. Cumar C/lle iyadoo ay toogteen laba nin oo bastoolado ku hubeysan, xilli uu...
Shir bishiiba mar la qabto oo loogu magac-daray PSG1 (Peacebuilding and statebuilding goals) oo qayb ka ah "NEW DEAL", kana dhacay hoolka shirarka ee AMISOM VIP - MIA, Mogadishu ayaa waxaa looga hadlay qodobbo dhawr ah oo ay ka mid yihiin; dastuurka, doorashada 2016-ka iyo maamul u sameynta gobollada...

















