Wednesday, August 26, 2026
Munaasabad uu xilka kula Wareegayay Guddoomiyaha Cusub Maxkamada Sare ee Dalka, Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa Maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qayb-galeen Madax uu ka mid ahaa; RW ku xigeenka XF Somalia, Maxamed Cumar Carte. Xafladdaan oo ka dhacday Xarunta Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa waxaa kaloo ka...
Mudaaharaad looga cabanayay sicir-barar magaalada ka jira iyo ganacsato diiday 500 ee Shilin Soomaaliga ah, ayaa maanta ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, iyadoo xalayna la weeraray guriga Guddoomiyaha Gobolka Sool, Mustafe Cabdi Ciise . Dibadbaxan oo ay soo qaban-qaabiyeen Ganasatada Magaaladda Qaarkood, ayaa xayiray inta badan suuqyada...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisul wasaare, Cumar C/rashiid Cali, ayaa Maanta Muqdisho kulan kula qaatay Wafdi ka socday Mareykanka oo uu Hoggaaminayay Madaxa arrimaha Afrika ee Xafiiska Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda, Mr Bruce Wharton. Xasan Sheekh, ayaa wafdiga Xukuumadda Mareykanka uga warbixiyey horumarka siyaasadda, diyaargarowga Doorashada 2016-ka, arrimaha...
Dadka ku dhaqan xaafadaha Xaawo-Taako iyo Kooshin ee Magaalada Beledweyne ayaa baqdin xoog leh ka muujinaya Fatahaad uu sameeyo Webiga Shabeelle oo biyo xoogan wada. Qoysaska qaar ayaa durbaba bilaabay in ay albaabahooda ka sii xir xirtaan guryihii ay ku noolaayeen, iyagoo cabsi qaba in mar kaliya wabigu gabiyada jabsado,...
Inta la xaqiijiyay lix ruux ayaa ku dhintay 15-qof oo kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray qarax iyo weerar toos ahaa oo saakay lala beegsaday xarunta ciidamada Taraafikada ee Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha hay'adaha amniga DF ka tirsan iyo Goob-joogayaal. Qaraxan, ayaa waxaa geystay nin watay gaari waxyaabaha qarxa laga...
Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland ee ka socota gobolka Maroodi-jeex ayaa Dadku aysan ugu soo bixin sidii laga doonayay, isla markaana aanay jirin safaf dhaa-dheer oo loo galayo diiwaan-gelinta. Wejigii hore ee diiwaangelinta ayaa soo Gaba-gabowday, Waxaana la galay qaybtii labaad ee Diiwaanglinta oo goobihii ay markii hore yaaleen laga soo yareynayo,...
Kulan Maanta lagu qabtay Xarunta Waaxda Duulista iyo saadaasha Hawada Soomaaliya ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa waxaa qalab lagu guddoonsiiyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee DF Somalia, kaasoo loo adeegsan doono Hagidda Diyaaradaha. Waxaa kulankan goobjoog ka ahaa; Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cali Axmed Jaamac Jangeli, Danjiraha...
Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug kula hadlay Qaybaha bulshada, ayaa soo Hadal-qaaday dhibaatada kooxaha dhigta is-baarooyinka dhigta deegaanada Galmudug ay dadka iyo nolosha bulshadaba ku hayaan. C/kariin Guuleed, ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan kooxaha Isbaarooyinka dhigta, kuwaasoo uu sheegay inay yihiin kuwo sharci-darro...
Xukuumadda Uganda ayaa sheegtay inay ciidamadooda ka qaybta AMISOM ay sii joogi doonaan Somalia, isla markaana aanu jirin xilligaan qorshe la doonayo in looga saaro Soomaaliya. Afhayeenka Ciidanka Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in Xilliga la joogo uusan jirin qorshe cad oo dowladdiisa uga dagsan inay ciidankeeda ka saarto...
Khurram Zaki oo ahaa Dhaqdhaqaaqe Xuquuqda Aadanaha iyo Wariye laga yaqaan Waddanka Pakistan, ayaa lagu toogtay Magaalada Karachi. Boolisku waxay sheegeen in Zaki uu ku casheynayay maqaayad ku taal wadada dhinaceeda ee waqooyiga magaaladaas markii rag hubeysan oo watay labo mooto ay xabado ku fureen. Labo qof oo kale ayaa...