Dadweynaha Maroodi-jeex oo sidii la Doonayay aan ugu soo bixin Diiwaan-gelinta/

0
407

Diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha Somaliland ee ka socota gobolka Maroodi-jeex ayaa Dadku aysan ugu soo bixin sidii laga doonayay, isla markaana aanay jirin safaf dhaa-dheer oo loo galayo diiwaan-gelinta.

Wejigii hore ee diiwaangelinta ayaa soo Gaba-gabowday, Waxaana la galay qaybtii labaad ee Diiwaanglinta oo goobihii ay markii hore yaaleen laga soo yareynayo, iyadoo goobo tiro yar laga soo reebay goobihii markii hore yaaleen.

Toddobaadkii ugu horreeyey ee Diiwaan-gelinta oo la filayay inay shacab faro badan safaf dhaa-dheer u gali doonaan goobaha diiwaan-gelinta ayaa dad tiro yar iska diiwaangeliyeen, iyadoo ilaa hadda la helin sababta keentay inay dadku si weyn isku diiwaangaliyaan.

Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa iyaguna waxay xuseen xusay in sidii laga rabay Gobolka Maroodi-jeex aanu isku Diiwaan-gelin, iyagoo ku baaqay in shacabku ay Qaataan kaadhadhka diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Xisbiyada Qaranka ayaa iyaguna dhankooda ku Guubaabinaya Dadweynaha in ay Qaataan kaadhadhka, hase yeeshee, arrintan ayaa lagu macneeyey inay dadweynuhu quus ka taagan yihiin doorasho soo noqnoqota oo aan isbedel balaadhan keeneen.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha C/raxmaan Saylici iyo Mas’uuliyiin la socday, ayaa maanta billaabay Dar-dar-galin ay ku samaynayaan Dad-weynaha si ay isku diiwaangeliyaan, waxaanu kormeer ku tagay goobaha diiwaangelinta ka socoto ee magaaladda Hargeysa.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa la socday Mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen; Wasiir-u-dowlaha Arrimaha Gudaha, Maxamed Muuse Diiriye, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Xisbiga Kulmiye, Maxamed Kaahin Axmed, Duqa Hargeysa, C/raxmaan Max’uud Caydiid (Soltelco) iyo xubno kale.

Ku-simaha Madaxweynuhu ayaa warbixino ka dhegaystay xubnaha gudiga doorashooyinka Qaranka ee ku Hawlan Diiwaan-geinta Cod-bixiyeyaasha, gaar ahaan Guddoomiyeyaasha Goobahaas, kuwaasoo sheegay in guud ahaan Shaqadu Wakhtigii loogu talo-galay Socoto dadkuna ay soo kordhayaan maalinba maalinta ka danbaysa.

C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa khudbado uu jeediyay ku saabsan Ah-miyada Diiwaan-gelintu u leedahay Qaranka gobolka iyo Caasimadaba dadweynihii uu ugu tagay goobaha uu marayey.

“Ma jirto sir aynu leenahay iyo xogo inaga inoo gaara oo dalalka dibadu u Gudbaysa, sida ay sheegayaan kuwa nashuushadaynaya hamsami u socodka diiwaangelinta codbiyayaasha, kuwaasoo ku sheekeeya in xogaha laga qorayo ruuxa is-diiwaan-gelinaya ay helayaan Dalalka shisheeye sidaana hadhow qofka haduu dibada tago lagu ogaanayo in Somaliland uu u dhashay, taasina waa waxaan sal iyo raad aan lahayn, warbixinno aan innagu leenahay oo dibadda inooga baxayaana ma jiro,” ayuu yiri C/raxmaan Saylici.

Madaxweyne ku xigeenka, ahna ku simaha Madaxweynuhu Somaliland ayaa ku boorriyay Dadweynaha caasimadda inay muujiyaan tiradooda, oo laga sugayo inay noqoto mid badan dadweynuhuna isku dhiirri-geliyaan siday wakhtiga go’an ee Diiwaan-gelintu socoto looga faa’iidaysan lahaa,  siiba dhalinyaradu ay si buuxda uga qeyb qaataan wixii qaan gaadh ahi Diiwaan-gelinta, qaatana Kaadhadhka, waalidkood iyo ehelkoodana ay ugu yeedhaan.

Waxaa, iyaguna Goobahaasi ka hadlay masuuliyiinta la socotay Madaxweyne ku xigeenka oo dhamaantoodba dadka ku dardaaray in la muujiyo cududa dadweynaha caasimadda, iyo guud ahaanba goobaha Gobolka Maroodi Jeex ee ay diiwaangelintu ka socoto.

Ugu dambeyn, Madaxweyne ku xigeenku, wuxuu amray in gacanta lagu soo dhigo dadka meelahaa kaga hadla in aan Diiwaan-gelinta laga Qayb-gelin ee ku hadlaya Dacaayadaha beenta ah iyo baro bogaandada aanay waxba ka jirin ee lagu marin habaabinayo dadka is diiwaangelinaya, lana hor geeyo sharciga.

Si kastaba ha ahaatee, wejigii hore ee diiwaangelinta oo todoba cisho ahaa ayaa soo Gaba-gabowday, Waxaana hadda la galayaa wejigga labaad oo ah afar iyo toban cisho oo goobo kooban oo cayiman la dhigayo, waxaana  dadweynaha la faray in wakhtigaasi u hadhay ka faa’iidaystaan.

salaam bankbeco2tabarak