Maydadka tahriibayaal tiro badan ayaa laga helay xeebta dalka Liibiya, kuwaasoo la sheegay inay ka mid ahaayeen tahriibayaal ay la dageen doomo ay ku safrayeen toddobaadkii hore.
Wararka ayaa intaas ku daray in maydadkan ay ku soo caariyeen xeebaha deegaan ku dhaw magaalada Zuwara oo ku taalla galbeedka dalka Liibiya.
Sidoo...
Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa xaqiijiyay inuu Madaxweynaha Turkiga Maalinta Berri ah uu Muqdisho ku imaan doono booqasho rasmi ah, isagoo xusay inay u diyaar-garoobeen soo dhaweyntiisa.
C/risaaq Cumar oo la hadlayay VOA-da ayaa sheegay in Dowladda Somalia - ay si aad ugu diyaar-garowday imaashaha Madaxweynaha Turkiga,...
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay Muqdisho Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Britain, Philip Hammond oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.
Xasan Sheekh ayaa Wafdiga Britain uga warramay xaaladda Dalka, gaar ahaan dhinacyada Siyaasadda, Amniga, Dib-u-dhiska Ciidanka iyo Taageerada Dowladda Britain ee Somalia.
Sidoo kale,...
Dabcan ma ahan Wax ku Cusub Shacabka Muqdisho ku nool Weerarrada noocaan oo kale ah oo inta badan Al-shabaab ay la beegsadaan Xarumaha ama goobaha shacabka ee ka dadban maamulka Dowladda Somalia, Balse Weerarkii Hotel Ambassador, waxaa lagu tilmaami karaa inuu ahaa cashar kale oo laamaha amniga muhiim tahay...
Iyadoo Weerarkii lagu Qaaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho uu qaatay waqti badan, khasaare badana uu geystay ayaa waxaa maanta booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ay ka mid ahaayeen; wasiirada amniga iyo Warfaafinta, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale.
Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen....
Maanta Waxaa AAS Qaran loogu Sameeyay Muqdisho, Laba Xildhibaan oo ka mid ahaa dadkii ku dhintay Weerarkii Hoteelka Ambassador ay ku qaadday Al-shabaab, Waxaana Salaaddii Janaasada uu ka qayb-galay Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaannada Aaska loo sameeyay maanta ayaa waxay kala ahaayeen; Marxuum C/llaahi Jaamac Xuseen iyo Xildhibaan Maxamed...
Degmada Xuddun oo degmada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool Waqooyiga kaga beegan 83-KM, ayaa waxaa Qalab kala duwan Gadhsiisay Sucaad C/llaahi Galow oo ka mid ah Qurbo-joogta kasoo jeeda Degmadaas.
Sucaad, ayaa agab Isborti ku wareejisay kooxaha ka jira degmada Xuddun, kuwaasoo isugu jiray Dharka cayaartoydu xirtaan, kubbado iyo agab...
Ergeyga Midowga Afrika ee Somalia Francisco Madeira ayaa Cambeereeyay Weerarkii lagu qaaday Hoteelka Ambassador kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 15-qof oo ay ku jireen xildhibaano ka tirsan Baarlmaaanka Federaalka Somalia.
Danjiraha, ayaa xusay in weerarada lala beegsanayo xarumaha dowladda, Siyaasiyiinta iyo Dadka Rayidka ah inay muujinayaan sida Al-shabaab aan...
Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Hiiraan Max'ed Ibraahim oo la hadlay Idaacada Goobjoog FM, ayaa qiray in dad shacab ah boobeen sidda uu hadalka u dhigay raashin loogu tala-galay in loo qeybiyo qoysaska ku barakacay fatahaadii Beledweyne.
Waxaa uu sheegay in kumanaan ruux oo ka tiro badan...
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somalia, C/salaan Hadliye Cumar ayaa wax kama-jiraan ku tilmaamay warar sheegaya in heshiis lagu celinayo qaxooti Soomaaliyeed uu kula saxiixday magaalada Oslo ee dalka Norway oo dhawaan uu shir uga qayb-galay.
C/salaam Hadliye Cumar, ayaa sheegay in socdaaliisa Norway uu ku saabsanaa oo kaliya ka qeybgalka shir...

















