Wasiiro kormeer ku tagey Hotel Ambassador oo shaley weerar lagu qaadey.

0
567

Iyadoo Weerarkii lagu Qaaday Hoteelka Ambassador ee Muqdisho uu qaatay waqti badan, khasaare badana uu geystay ayaa waxaa maanta booqday Mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somalia oo ay ka mid ahaayeen; wasiirada amniga iyo Warfaafinta, Taliyaha Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saraakiil kale.

Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Jen. C/raxmaan Tuuryare – ayaa sheegay in ciidanka NISA ay Toogteen sadexdii qof ee weerarka soo qaaday, isla markaana ay Ciidanku u diyaarsan yihiin inay ka hor-tagaan qorshayaasha Al-shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay inay badbaadiyeen illaa 50-ruux oo ka mid ahaa dadkii hoteelka degenaa ayna kooxihii weerarka soo qaaday dilkeen afar qof oo hoteelka degenaa oo ay ka mid ahaayeen; laba Xildhibaan.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta Somalia, Maxamed Cabdi Xayir [Maareeye] oo isna kula hadlay Warbaahinta gudaha hoteelka kula hadlay ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay yareeyeen khasaaraha maadaama ay toogteen kooxihii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Amniga Gudaha Somalia, C/risaaq Cumar Maxamed ayaa isna sheegay in lagama maarmaan ay tahay in loo midoobo la-dagaalanka cadowga umuadda Soomaaliyeed oo mar walba ku hawlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Khasaarihii ka dhashay Weerarkan ayaa Wuxuu hadda marayaa in ka badan 18-qof, iyadoo dhaawacyaduna ay gaarayaan in ka badan 50-ruux, iyadoo Burbur xooggan uu soo gaaray hoteelka iyo dhismayaasha ku dhaw oo dhan.

warsom2011@gmail.com

beco2salaam bankttara