Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goor dhaw uu halkaa ka degay wakiilka gaar ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating iyo saraakiil kale.
Wafdiga QM ee goor dhaw tagay magaalada Gaalkacyo ayaa qeyb ka ah wafuud kale oo la sugayo saacadaha soo socda kuwaa oo...
Gabadhii ugu horreysay oo Soomaali ah, ayaa ka mid noqotay booliiska magaalada Edmonton ee Gobolka Alberta ee dalka Canada, gabadhan oo haysata dhalashada dalkaas.
Amaal Cabdi, ayaa ka ahayd 30-askari oo Booliis ah oo Xalafad Qalin-jabin ahayd loogu Qabtay Magaalada Edmanton, Waxayna Amaal Noqonaysaa Gabadhii ugu Horreysay oo Soomaali ah...
Labo wiil oo Soomaali ah ayaa midna lagu dilay midna lagu dhaawacay Ohio, Mareykanka.
Labada wiil ayaa midkood ka shaqeyn jiray dawlada hoose ee Ohio. Labada wiil ayaa la sheegay inay ka yaraayeen da'da 30 sano jirka.
Labada wiil ayaa kii dhintay maahee kii kale iminka isbitaal uu ku jiraa asagoo...
Ciidammada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan howlgal ballaaran ka wadda qeybo ka mid ah xaafadda magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafaddaha Buundo-weyn iyo howl-wadaag.
Ciidammada ayaa subaxnimadii hore ee saakay howlgal guri guri ah ka fuliyay xaafadda Buundo-weyn oo habeen hore rag hubeysan ku toogteen labo askari oo ka tirsanaa ciidammada...
Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka galgaduud ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Dagaalka ayaa salka ku hayay aano qabiil. Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u dhexeeya Xeraale iyo Balambale.
Odayaasha, culimaau diinka iyo wax garadka degmada Caabudwaaq ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo...
Warbixin aanay weli baahin Dowladda Mareykanka oo ay soo xiganayeen Warbahinta Mareykanka Qaarkood, ayaa lagu sheegay in Duqeyntii diyaaradaha Mareykanka ay bishii September ka fuliyeen duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug aysan ahayn mid lagu beegsaday Xoogag Al-shabaab ka tirsan, iyagoo xusay inay ahaayeen ciidammo ka tirsan Maamul-goboleedka Galmudug.
Warbixinta...
Maalintii 3aad ayaa qeybo ka tirsan Mareykanka waxaa wali ka socda dibadbaxyo ka dhan ah doorashada xilka madaxweynaha dalkaa loo doortay Donald Trump.
Hal ku dhagga ayaa ah, 'not my president' oo ka dhigan, 'ma ahan madaxweynaheyga'. Dibadbaxyo ayaa la soo tebinayaa inay haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ka socdaan...
Daraasad ay sameeyeen guddiga Qaramada Midooay u qaabilsan dhaqaalaha, ayaa lagu sheegay inay mudaaharaadyadii ka dhacay Waddamada Carabta ee loogu Magac-daray Xagaagii Carabta ay dhaliyeen cawaaqib aad u xun, iyadoo lagu xusay warbixin ay guddigan soo saareen inay waddamada Carabtu kacdoonnadaas ku waayeen 600 oo Bilyan oo Doollar.
Guddiga Dhaqaalaha...
Madaxweyne Barack H. Obama, ayaa Aqalka Cad ee looga taliyo Mareykanka kula kulmay, Madaxweynaha la doortay ee Xilka kala wareegaya, Donald Trump.
Kulankan ayaa noqonaya midkii ugu horreeyay oo dhex-mara Trump iyo Obama, iyadoo kulankan uu qayb ka yahay hannaanka uu jagada kula wareegayo madaxweynaha cusub ee Mareykanka.
Donald Trump, ayaa...
Maamulka labo jaamacadood oo ku yaala gobolka California ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in Khamiistii la weeraray arday Muslimiin ah.
Ardaydaa ayaa hablo ah. Mid ka mid ah weerarada ayaa Muslim nacayb lagu tilmaamay.
Weeraradaa ayaa dhacay Arbacadii kadib markii Donald Trump la doortay, ninkaasoo ah nin Muslim nacayb muujiyay intii...

















