Gobolka Galguduud degaan ka tirsan oo dagaal labo beelood ku dhexmarey maanta.

0
613

Dagaal beeleed ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka galgaduud ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Dagaalka ayaa salka ku hayay aano qabiil. Deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa u dhexeeya Xeraale iyo Balambale.

Odayaasha, culimaau diinka iyo wax garadka degmada Caabudwaaq ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalka oo lagu tilmaamay in nasiib darro uu yahay in dagaal beeleed dib dalku ugu noqdo arinkaa baddalkii laga gudbi lahaa.

Dhan kale gobolka jaarka ah ee Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa la filayaa inuu maanta wada hadal uga bilowdo wafuud ay kala hoggaaminayaan madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.

Wadahadalada ayaa kusaabsan sidii loo joojin lahaa colaada u dhexeysa labada dawlad goboleed ee Galmudug iyo Puntland.

warsom2011@gmail.com

beccosalaam-banktabaarak