Saturday, September 5, 2026
Magaalada Muqdisho ayaa gashay labo maalin oo bandaw ah oo aan wax isu socod iyo dhaqdhaqaaq ganacsi ka jirin doonin meelaha qaar, kaddib markii ay bilaabatay diyaar garowga doorashada Madaxweynaha oo lagu wado in maalinta berri ay dhacdo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo si isku...
Dib u dhac marar badan oo jiitamayay kaddib maalinta beri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya oo ay u taagan yihiin ilaa 23 musharax. Doorashada ayaa la filayaa in lagu qabto xarunta ciidamada cirka Afisiyooni, kadib markii qaar ka mid ah musharixiinta...
Guddiga doorashada madaxweynaha ayaa sheegay in la soo gabagabeeyay u diyaargaroowga doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo afar jeer oo hore dib u dhac ku yimid. Guddoomiyaha gudiga doorashada oo ka kooban 17 xubnood Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in doorashada ay ku dhici doonto sida uu hadalka u dhigay waqtigii loo...
Waxaa goor dhaw ka bilaabatay xarunta gollaha shacabka dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya oo todobaadkii hore dib u dhac ku yimid. Doodda oo xiligan si toos ah looga daawanaya TV-ga Qaranka ayaa waxaa daadihinaya Wariye Yuusuf Xassan Macalin, iyadoo ilaa iyo hadda ay ku sugan yihiin saddex musharax...
Wararka ka imanaya xeryaha Dhadhaab ayaa sheegay in xalay dab xoogan uu ka kacay suuqii ugu weyn ee xeryaha Dhadhaab ee ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya, dabkaasi oo baabi’iyay dhamaan goobihii ganacsiga Suuqa Dhadhaab ee xeryaha qaxootiga. Dabkaan ayaa ka dhashay sida dadka ay sheegeen Koronto, waxaana...
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa soo saaray amar cusub saraakiisha xuduudaha faraya inay si adag u baaraan dadka galaya dalka, xili uusan wali shaqaynaynin go’aankii uu dhinaca socdaalka ee uu soo rogay. Wuxuu sheegay in maxkamaduhu ay shaqada ka dhigayaan mid adag, ayna iyagu eeda dusha u ridan doonaan...
Kaameruun ayaa soo afjartay 15 sano oo ay sugaysay in ay Koobka Qaramada Afrika mar kale hanato Kaameruun oo gool lagu lahaa markii hore ayaa boodhka iska jaftay oo ciyaartii kama dambaysta ahayd Masar kaga badisay 2-1 iyagoo hantay koobkii shanaad ee Qaramada Afrika Vincent Aboubakar oo badal ku soo galay...
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda gobolada Sool Sanaag iyo Cayn ee Maamulka Khaatumo ayaa habaynimadii xalay u dabaaldagay sanadguuradii  5aad ee Mamulka Khaatumo State of Somalia. Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan Khaatumo State Of Somalia iyo dad weyne aad u badan oo reer Columbus ah...
Madaxweynaha dowlad gobollleedka Puntland Cabdiwali Max’ed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayo ayaa maalintii shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, si ay goob joog uga noqdaan doorashada madaxweynaha ee lagu wado in ay dhacdo 08 bishan Feberaayo maalinta Arbacada ah. Madaxweynaha oo faah faahin ku bixiyay ujeedada socdaalka isaga iyo wafdiga...
Maanta oo Isniin ah waxaa loo balansan yahay in ay dhacdo doodda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii ay dooddan baaqatay 31bishii Janaayo sababo la xiriira Internet –ka oo waqtigaa hawada ka maqnaa. Guddiga qabanqaabada doorashada xilka madaxweynaha ayaa soo saaray jadwalka habka iyo sida ay u dhaceyso...