Saturday, September 5, 2026
Hoobiyeyaal xalay  lagu gamay qeybo ka tirsan Muqdisho ayaan cidi waxba ku noqon. Hoobiyeyaasha ayaa la ganay ayadoo doorashada Soomaaliya ee madaxweynenimada uu waqti yar ka harsan yahay. Doorashada ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Afisyoone oo ku dhaggan garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah Aden Abdulle maanta. Wararka qaar ayaa sheegaya...
Koox hubeysan ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar culus ku qaaday hoteel ku yaala magaalada Boosaaso ee gobolka Bari kadib markii sida warar soo baxaya sheegayaan toogasho ku dileen qaar ka mid ah ilaalada hoteelka. Hotelka la weeraray oo lagu magacaabo International Village ayaa sida ay goob joogayaal u xaqiijiyeen...
Garoon dhaw oo maanta ayaa la filayaa in ay ka bilaabato magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta ciidamada cirka ee Afisiyooni doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ilaa iyo hada ay u sharaxan yihiin 22 musharax, kadib markii ay tanaasuleen ilaa labo musharax oo markii hore is diiwaangaliyay. Guddoomiyaha gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha...
Garabkii xishiga UCID ee uu hogaaminayey Jamaal Cali Xuseen ayaa si rasmiya ugu biiray xisbiga taladda haya ee kulmiye, isla markaana sheegay in aqoon iyo kartiba ku biirin doonno. Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay hoolka wayn ee huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, waxa ka qaybgalay hoggaanka sare KULMIYE oo uu...
Qaraxyo waaweyn oo u muuqda kuwa loo adeegsanayay qoriga hoobiyaha ayaa laga maqlay caawa qeybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho oo la filayo in maalinta beri ah ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya. Labo madfac ayaa ku dhacay meel aan ka fogeyn garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho oo...
Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu waramayaa in ay wadada u galleen ciidamo tirsan kuwa dalka Burundi ee ka midka ah hawlgalka AMISOM ee gobolka Shabeellaha Dhexe.. Dagaal socday muddo ka badan saacad ayaa labada dhinac ku dhexmaray inta u dhaxaysa tuulooyinka Biyo Cadde iyo Mir Tuugo oo hoos yimaada...
Waaxda cadaaladda ee dalka Maraykanka ayaa difaacday xayiraadihii dhanka socdaalka ee madaxwayne Donald Trump, waxayna ku baaqday in maxkamadda racfaanku ay ayiddo go'aankaas iyadoo fiirinaysa danta amaanka qaranka. Qoraal 15 bog ka kooban ayay ku faahfaahisay in "in go'aanka madaxweynuhu uu sharciga waafaqsan yahay" isla markaasna uusan ka dhignayn in...
Madaxweynihii hore ee Puntland C/rixmaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa maanta magaalada Muqdisho ka sheegay in uu ka tanaasulay u tartamid-da doorashada madaxweynaha Somalia oo la filayo in maalinta barri ah ay ka dhacdo magaalada Muqdisho. “ Kol hadii ay musharaxiintii bateen, xildhibaanadii-na wareer ku dhacay ,waxaan soo jeedinayaa in arintaa...
Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, oo muddo dalka dibadiisa ku noolaa ayaa dalka dib ugu soo laabtay. Wariyeyaal kaga hortagay madaarka magaaladda Hargeysa ee Cigaal international Airpor ayaa isku dayey inay wax ka waydiiyaan xaalada wadanku marayo, haseyeeshee wuu ka gaabsaday waxaanu ilaahay u baryey in dad iyo...
Waxaa maanta magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta gaadiidka booliska ka dhici doonta doorashada labo kursi oo ah kuraastii ugu dambeysay ee xubnaha aqalka sare ee ka imaanaya deegaannada maamulka Somaliland. Guddiga doorashada dadban ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka ayaa sheegay in maanta doorashada Labada Kursi oo ah...