Saturday, September 5, 2026
iidamo ka tirsan dowlad gobolleedka Galmudug ayaa lagu waramayaa in ay maanta hor istaag ku sameeyeen in uu gaaro magaalada Cadaado guddoomiye ku-xigeenka koowaad baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed. Xildhibaan Feysal Axmed Cabdulle oo ka tirsan xildhibaannada baarlamaanka Galmudug ayaa ku eedeeyay arintan madaxweynaha maamulka Cabdikariin Xusseen Guulleed oo sida...
Xarunta gollaha shacabka, ayaa maanta lagu dhaariyay labo xildhibaan oo ka mid ahaa mudanayashii dib loo soo doortay. Xildhibaan Sheekh Shaacir oo lagu soo doortay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayaa maanta si rasmi ah loogu dhaariyay ka mid noqoshada baarlamaanka cusub ee dalka. Sidoo kale waxaa la dhaariyay xildhibaan...
Roobab lixaad leh ayaa shalay galinkii dambe ka hooray Sanaag ayadoo ay jireen abaaro ba'an Somaliland iyo Soomaaliyaba qeybo badan oo ka tirsan. Meelaha roobabku ka da'een ayaa waxaa kujira Ceerigaabo iyo dhul xeebeedka baahsan ee gobolka Sanaag. Roobabkaa ayaa biyo dhigay dhulal baahsan gaar ahaan meelo abaar ba'ani ku...
Dhug gaar ah ayaa loo yeelanayaa il gaar ahna waa lagu eegayaa taliyeyaasha AMISOM ayadoo ciidamo badan uga le'anayaan Soomaaliya ciidamada hawlgalka AMISOM. Waa faalo lagu qoray maanta bogga wararka ee wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa. Ciidamada KDF taliyeyaashooda sarsare ayaa il gaar ah lagu eegayaa kadib weerarkii labaad...
Qaxooti Soomaali ah oo ku nool Kenya ayaa inay Mareykanka u socdaalaan loo diiday kadib 10 sano markii ay sugayeen safarkaa. Ilaa 140 qaxooti Soomaaliyeed ah oo dib u dejin awal lagu waday inay asbuucaan ka helaan Mareykanka ayaa waxaa joojiyay amarka madaxweyne Donald Trump. Kadib markii ay duulimaadyada u yimaadeen...
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa xildhibaanadda Soomaaliya kula dardaarmay inay u codeeyaan musharaxa daacad ah oo maamuli kara Soomaaliya. Sidoo kale, Faysal waxa uu ka hadlay wada hadalkii u socday Khaatumo iyo Somaliland iyo xulista musharaxa madaxwene ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu ku wareejin...
Maanta oo Axad ayaa lagu wadaa  in la soo gaba gabeeyo dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha, iyadoo illaa 9 Musharax ay maanta jeedin doonaan khudbado ay uga hadlayaan barnaamijkooda siyaasadeed iyo waxqabadkooda haddii la doorto. Maalintii shalay oo Sabti aheyd iyo Khamiistii todobaadkii hore ayaa waxaa baarlamaanka hortagay oo...
Guddiga doorashada Madaxweynaha ayaa sheegay in laga wareejiyay goobtii la filayay in doorashada Madaxweynaha ka dhacdo oo aheyd Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee Jen. Kaahiye, kaddib markii ay cabasho soo gudbiyeen illaa 18 Musharax. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka hadlayay cabashada Musharaxiinta ayaa sheegay in la go’aansaday in doorashada ka...
Warsaxafadeed (Muqdisho-04-02-2017) Isbahaysiga Xisbiyada Soomaaliyeed, Xildhibaano Qaran,  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada; Culumaa’udiinka, Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, oo shirkuyeeshay Magaalada Muqdisho,  Hotel Maka Almukarama, iyagoo ka hadlay faragelinta qaawan ee doorashada Soomaaliya lagu hayo, iyo baahida loo qabo isbadal hogaamineed ayaa waxay Cadeynayaan kuna baaqayaan,  iyagoo isku duuban: ...
Madaxweynihii hore ee maamul gobolleedka Puntland C/raxmaan Max’ed Max’uud Faroole islamarkaana ah xubin ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya dhinaca kalana ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa sheegay in uu ka digayo sida uu hadalka u dhigay faragalin dowlado shisheeye ay ku hayaan doorashada Soomaaliya. C/raxmaan Faroole ugu baaqay...