Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kulamo la qaatay Wasaaradaha Caddaaladda iyo Maaliyadda, isagoo kala hadlay hufnaanta nidaamka Maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo sharreynta sharciga dalka.
Kulanka Maaliyadda waxaa guddoominayey Madaxweynaha, waxaana fadhiyay Wasiirka Maaliyadda, Wasiiru Dowlaha, Wasiir Ku Xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaraadda, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Xisaabiyaha...
Diyaarad Militari oo laga leeyahay wadanka Kuweyd, ayaa madaarka magaaladda Berbera keentay caawimo loogu tallogalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Somaliland.
Diyaaradan Militari ayaa siday 150 qoys raashinkooddii, waxana markiiba loo daad gureeyey goboladdii abaaruhu ka dhaceen.
Raashinkan oo iskugu jiray qaybo kala duwan, waxaana qaybtii ugu horeysay ee caawimadda, iyagoo sheegay...
Wararka ka imanaya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaaari xamuul ah goor dhaw uu ka dhacay xaafadda Kaawo Goday.
Warar hor dhac ah oo ka soo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in gaari kuwa xamuulka ah oo laga soo buuxiyay walxaha qaraxa uu sababay dhimashada...
Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeeysay shaacisay mowqifkooda ku aadan madaxweeynaha cusub ee dalka, ayagoo sheegay in hogaanka cusub ee uu dalku yeeshay uusan waxba kaga duwanayn madaxdii hore.
Gudoomiyaha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub Cali oo la hadlay warbaahinta afkooda ku hadasha ayaa sheegay in Madaxweeyne Max'ed...
Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug, ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan nabad-sugida maamulka Galmudug iyo ciidamo Mareynkan ah saldhig ka sameynayaan qeybo ka mid ah gobolka Mudug.
Saadiq Cumar Xassan oo ah taliyaha ciidamada nabad-sugida Galmudug oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalada ay fulinayaan ciidamada wada jirka...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa difaacay guulaha ilaa iyo hadda uu gaaray maamulkiisa, asagoo xalay taageerayaashiisa kula hadlay gobolka Florida.
Waxa uu dadkaasi isu soo baxay u sheegay in dareen rajo wanaag ah uu ka dhashay Maraykanka, waxaana uu carabka ku adkeeyay in uu fulinayo ballanqaadyadiisa ku aaddan dhaqaalaha iyo...
Iyadoo lagu waday maanta oo 19ka Bisha February in ay ka dhacdo magaaalada Cadaado doorashada xilka madaxweynaha maamulka, ayaa wararka halkaa ka imanaya waxaa ay sheegayaan in uu dib u dhac ku yimid.
Gudiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in sababo farsamo dib ugu dhacday doorashada.
Waxaa...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadihii aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee dowladda Britain u soo magacaawdey Soomaaliya.
Safiirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay warqadihiisa aqoosiga ku wareejiya madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxmaed Cabdullaahi Farmaajo.
David William Concar Safiirka cusub ee dowladda Britain, ayaa sheegay in kulanka isaga iyo madaxweynaha...
Rag hubeysan oo gaari watay ayaa goor dhaw ku weeraray is-goyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho sarkaal ka tirsanaa hay’adda nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya oo lagu magacaabo Jen Xassan Dheere.
Weerarka ay geysteen kooxda hubeysan ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaaladii la soctay sarkaalka, halka sidoo kale...
Madaxweynaha cusub ee Gambia, Adama Barrow, ayaa si rasmi ah loogu caleemo saari doonaa caasimadda Banjul, halkaas oo ay ka dhici doonaan dabaal degyada lagu xusayo 52 guuradii madaxbannaanida dalka.
Barrow waxa bishii hore lagu dhaariyey safaaradda Gambia ku leedahay dalka ay olloga yihiin ee Senegal ka dib markii ninkii...

















