Magaalada London ayaa lagu qabtay munaasabad lagu weyneynayay maalinta caalamiga ah ee Afka hooyo, taasi oo ay soo qaban qaabisay Akadamiyad Goboleedka Afka Soomaaliga ee AGA oo ah urur u heellan horumarinta Afka hooyo
Howl wadeennada Xafiiska AGA ee dalka Britain oo isaga yimid magaalooyin dhowr ah ayaa si...
Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in xaafada Islii ee Nairobi dalka Kenya lagu qabto xaflad lagu taageerayo Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo-International Mother Language Day oo sanad walba maanta oo kale markii taariikhdu tahay 21ka Febraayo la qabto.
Waxay ka dhici doontaa dhismaha Eastleigh Mall hoolkiisa weyn ee shirarka...
Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo ayaa sheegay in $100,000 oo abaal marin ah lasiin doono qofkii soo sheega war lagu soo qaban karo gawaarida qaraxyada lagu soo xiro ka hor inta aan la qarxin dadna aan lagu dilin ama lagu dhaawacin.
Sidaa ayuu madaxweynuhu sheegay mar uu xalay...
Kadib qaraxii shalay dhowr iyo sodonka qof ay ku dhinteen ayaa madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Farmaajo mar uu isbtaal ku booqday dadkii ku dhaawacmay uu ballan qaaday in dawlada Soomaaliya ay ka bixin doonto dadkaa qarashka daaweynta iyo ama daawada.
Shalay qarax ayaa lagu dilay dhowr iyo soddon...
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Mohamed Islaan "Madoobe" ayaa maanta galinkii hore soo gaaray magaalada Muqdisho si uu uga qayb-galo munaasabad-da caleema saarka madaxweynaha Somalia oo maalinta arbacad ah dhacaysa.
Axmed Madoobe iyo xubno ka tirsan golihiisa wasiirada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa mudadii...
2 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubaland ayaa dhintay dhowr kalena waa dhaawacmeen kadib markii gaari ay saarnaayeen ay miino ku qaraxday deegaan galbeedka ka xiga tobanaan km magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee Jubaland.
Miinada ayaa jidka mid lagu aasay ahayd. Askarta dhaawacmay ayaa loo qaaday...
Hayada lacagta aduunka ee IMF ayaa sheegtay inay ka caawinayso Soomaaliya sidii lacago shilin Soomaali ah dalka loogu daabici lahaa.
Soomaaliya ayaa lacagaha shilin Soomaaliga ah ay ku dabo yar yihiin. Shidoo kale ayaa IMF ay iminka sheegeysaa in dadaalkaan loogu jiro sidii shilin Soomaaliga baaliyoobay ee dalka yaala loo baddali...
Wakiilka xog-hayaha guud ee QM Machael Keating ayaa cambaareeyay weerarkii ay dadka badan ku dhinteen ee maalintii shalay ka dhacay suuq mashquul badan oo ku yaallay xaafadda Kaawo –Goodey ee degmada Wadajir
‘’Waxaan cambaareyneynaa weerarkii argagixisada ee Muqdisho ka dhacay ee lala eegtay dadka rayidka ah ayuu yiri ‘’ wakiilka...
Xaflad lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo ay ka qeyb galeen shacab tiro badan, ayaa dhawaan lagu qabtay Magaalada Atlanta ee xarunta gobolka Georgia.
Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen guddiga Somali American Community ee magaalada Atlanta, ayaa waxaa lagu qabtay Hool-ka shirarka kulliyad farsamada...
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in Wariye Coldoon u aqoonsaneyd suxufi, balse isku bedelay samafale imika noqday siyaasi olola ka dhex waday doorashaddii Soomaaliya ku soo gabogabowday.
Wasiiru dawlaha amniga Somaliland Maxamed Muuse ayaa sheegay inu u Cabdimaalik Muuse Coldoon uu qirtay in uu si toos...

















