Saturday, September 5, 2026
Ra’iisal wasaaraha dhawaan helay codka kalsoonida baarlamaanka federaalka Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo wareysi siinayay laanta VOA ayaa sheegay in ay soo dhisi doonaan golle wasiiro ka tartumaya sida uu hadalka u dhigay rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisal wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in xukuumada cusub ee soo socta sidoo kale...
Taliyaha qeybta booliiska degmada Beledweyne Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle ayaa warbaahinta u sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan booliiska gobolka Hiiraan oo gadood ka sameeyay magaalada Beledweyne. ‘’Ciidamada booliiska aniga ayaa taliye u ah, sidaa daraadeed ma jirin ciidamo ka diiwaangashay booliiska oo gadood ka sameeyay magaalada, ciidamadii...
Dad reer Somaliland ayaa shalay mudaharaad la hor tagay safaaradda Imaaraadka Carabta ku leedahay magaaladda London, waxaanay sheegay inay muujiyeen sida aanay ogolaan doonin saldhiga Militari ee magaaladda Berbera uu ka samaysanayo. Dadkii soo abaabulay mudaharaadkan ayaa boodhadhkooda ku muujiyey sida uga soo horjeedaan saldhiga Militari ee Berbera uu ka...
Alla ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Maxamed Faarax Xirsi ayaa shalay aas qaran loogu sameeyey magaaladda Hargeysa, ka dib markii uu xanuun muddo hayey u geeriyooday. Marxuum Maxamed Faarax Xirsi wuxuu ahaa shakhsi dhinacyo badan ka buuxin jiray kaalinta fanka, waxaanu iskugu jiray Abwaan, Fanaan iyo Mulaxamiist, waxaana la...
Iyadoo marka la eego guud ahaanba dowladihii isaga danbeeyay dalka laga soo bilaabo bur burkii dowladii dhexe ee militariga ku caan baxeen khilaaf soo kala dhaxgala madaxweynaha talada haya iyo ra’iisal wasaarihiisa ayuu sheegay madaxweynaha Soomaaliya Max’ed Cabdulaahi Farmaajo in arintaa oo kale dhici doonin. Isaga oo khudbad ka hor...
Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo ra’iisal wasaaraha xilka ka degay oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa xubnaha golaha wasiirada ee xilka sii heyn doona inta laga soo magacaabayo gole wasiiro oo cusub. Ra’iisal Wasaarihii hore...
Cabdinaasir Cali Maxamed, oo ah Guddoomiyaha Ganacsatada Gobolka Banaadir, oo la hadlay warbaahinta gudaha magaaladda Muqdisho, ayaa sheegay hantidii ku gubatay suuqa Bakaaraha todobaadkan, qiimo ahaan in ay gaareyso $4-Million. Waxaa suuqa Bakaaraha gaaray intuu dabka socday gudoomiyaha maamulka gobolka Bandir, Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale, waxaa uuna  sheegay in sababta...
Koox hubeysan ayaa afduubtay laba Maclin, sida Warbaahinta gudaha dalka Kenya, ay  baahiyeen maanta. Labada macalin, ayaa laga soo afduubtay xeradda Qaxootiga Dhadhaab ee Kenya, waxaana lala soo aaday dhinaca dalka Soomaliya. Lama-oga shaqsiyaadka afduubka geystay, balse dalka Kenya waxaa si joogta ah weeraro uga geysta Al Shabaab. Xerooyinkaasi qaxootiga ee Kenya...
Booliiska dalka Kenya ayaa lagu waramayaa in ay xabsiga u taxaabeen saddex dhalinyaro Soomaali ah oo ku eedeysan in ay kufsi ka geysteen magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya. Dhalinyarada ay xireen booliska Kenya ayaa ku jira xabsi ku yaalla bartamaha Magaalada Mombasa. Saraakiisha dowaldda Kenya ayaa dhalinyaradan ku eedeeyay in...
Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamulka gobolka Hiiraan xayireen qeybo ka mid ah isku socodka dadka iyo gadiidka xaafaddaha Beledweyne. Ciidamadan oo gaar ahaan ka tirsan kuwa booliiska ayaa xaray Buundada kala qeybisa xaafadaha Xaawo –Taako iyo Kooshin oo inta...