Wednesday, September 2, 2026
                    Darawal Taxsiila ah oo gaarigiisa Qarax loogu xiray ayaa maanta waxaa uu kula Qarxay nawaaxiga Hotel Jazeera oo ku dhow garoonka diyaaradaha ee Magaalladda Muqdisho. Taxsiilaha ayaa la sheegay in uu u geeryooday dhaawac kasoo gaaray qaraxa, sida dad goob-joogayaal ah ay u sheegeen warbaahinta gudaha. Ciidamada ilaalada xarumaha QM iyo...
                          Canab Axmed Ciise Gudoomiye Ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle, ayaa sheegtay in ay soo gaareen xildhibaanno mooshin ka wadda Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble. “Xildhibaanno gaaraya 53 xildhibaan, ayaa ku saxiixan mooshinka, kuwaasi oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka”, ayeey tiri Canab, waxaana hadalkeeda ay sii raacisay in qabashada...
                          Xubno ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka  Soomaaliya, ayaa dalka koonfur Africa kula kulmay xubno metelayay Wasaaraddaha Gaashaandhigga iyo Arrimaha Dibadda ee dalkaasi. Wafdiga ayaa booqday Wasaaradda Gaashaadhigga iyo xarumo kale, iyagoona sidoo kale booqday xarumo ay ku keydsanyihiin taariikhda gumeystihii midab kala sooca. Wasiirkii hore ee Wasaaradda...
                    Ugu yaraan 17 qof ayaa dhimatay halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen kadib markii weerar lagu qaaday Makhaayad ku taalla dalka Burkina Faso. Weerarka ayaa waxaa xalay qaaday koox islaamiyiin ah, sida uu sheegay wasiirka isgaarsiinta dalkaasi Remo Danjunou. Telfeshinka dowladda ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay dileen saddex kamid ah...
                        Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir. Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiye Ku-Xigeenada, Xoghaya-Guud ee Gobolka, iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista Dastuurka...
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Stockholm, caasimadda dalka Sweden, ayaa xaflad casho sharaf ah oo soo dhaweyn ah waxa ay xalay ugu sameysay maqaayadda weyn ee Juba Restuarant Agaasimaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan (Koofi) iyo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo ka howl-gala xafiiska madaxweynaha...
Hogaamiyihii hore ee Xarakadda Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roboow Abuu Mansuur ayaa gaaray magaalladda Xudur ee xarunta Gobolka Bakool, halkaas oo uu kulan kula leeyahay mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur-galbeed iyo dowladda Soomaaliya. Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur galbeed, ayaa dhinaca kale xaqiijiyay in Mukhaar uu isku soo dhiibay ciidamada maamulka koonfur...
Laba qof ayaa ku dhaawacmay degaanka Xalin oo ka tirsan degmada Taleex, kaddib markii ay halkaa tageen howlwadeennada Kaararka codeynta doorashada Soomaaliland. Dad Goobjoogayaal ah ayaa Warbaahinta u sheegay in qalalaase ka bilaawdeen dhawr goobood, kaddib markii ay soo gaareen in dad dhaawacmeen. Kulamo ayaa socda sidii xal looga gaadhi lahaa...
Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay dacwaddii xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u soo gudbiyey ee uu kaga cabanayey in natiijadii codadkii xildhibaanadda ee doorashaddii gudoomiyaha golaha wakiiladda la is daba mariyey,isla markaana uu yahay gudoomiyaha golahaasi. Maxkamadda sare ayaa sheegtay in aanay ka garniqi Karin muran golaha dhexdiisa...
Maxamed Faarax (Mo Farah) ayaa xalay ku guuldareystay inuu ku guuleysto billada dahabka orodka shanta kun ee mitir ee tartanka ciyaaraha Atlaletic-kadda adduunka. Tartanka ayaa waxaa uu ka socday magaalladda London ee caasimada England. Haddii uu xalay ku guuleysan lahaa waxaa ay u noqon laheyd tarkankiisii shanaad ee isku xiga ee...