Maamulka G/Banaadir iyo Wasaaradda Dastuurka oo Kulan ka yeeshey Arrimaha Dib u eegista Dastuurka.

0
551

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shalay kulan wadatashi ah oo ku saabsanaa hanaanka dib-u-eegista Dastuurka la yeelatay Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulanka oo ay ka soo qaybgaleen Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Gudoomiye Ku-Xigeenada, Xoghaya-Guud ee Gobolka, iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen dib-u-egiista Dastuurka iyo Maqaamka Muqdisho.

Wasiir Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay wadashaqayn dhexmarta Wasaaradda iyo Maamulka G/Banaadir oo ku aadan dib-u-eegista Dastuurka.

“Maanta waxaa farxad wayn inoo ah inaan la kulanno Maamulka Gobolka Banaadir oo aan ka talagelino hannaanka dib-u-eegsita Dastuurka, waxaa muhiim inoo ah inaan yeelanno wadashaqayn si aan isaga kaashano hawlaha ina horyaalla, waana hubaa madaxda gobolka in ay yihiin masuuliyiin aan si dhaw u wadashaqayn doonno” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Taabid ayaa uga mahadceliyay Wasaaradda hawlaha ay qabatay mudooyinkii dambe isaga oo u ballanqaaday in ay si dhaw u wadashaqayn doonaan.

Ugu dambayn, Gudoomiyayaasha Degmooyinka ayaa fikradahooda ku saabasan Geedi-socodka dib-u-eegista Dastuurka la wadaagay Wasaaradda.

warsom2011@gmail.com