Sunday, June 28, 2026
Ku-simaha guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdiwali Ibraahim Muudeey ayaa maanta xildhibaannada Baarlamaanka u qeybiyay Dastuurkii uu horay u sheegay in la xaday. Xildhibaanada ayaa loo qeybiyay nuqulkan oo ay ka muuqdeen qodobo ay isku raaceen lixdii Hoggaamiyeyaasha saxiixayaasha Road Map-kii dalka looga saarayay Kumeel gaarka. Nuqulka Dastuurkan uu manta soo bandhigay guddoomiye...
Maxkamada gobolka Maroodi Jeex ee Somaliland ayaa maanta shan sanno oo xadhig ah ku xukuntay boqor Cismaan Maxamuud Buurmadow oo dacwadiisu socotay isagoo dibadda joogga. Boqor Cismaan Buurmadow ayaa markii la xukumay xabsiga loo taxaabay, waxaanay maxkamadda gobolka Maroodi jeex ku eedeysay inuu ka hor yimid qaranimadda Somaliland, isla markaana...
Waxaa maanta oo Khamiis ah la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharixiinta u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Shalay ayaa waxaa khudbado jeediyay ilaa Lix musharax oo ka mid ah xubnaha u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, wuxuuna ka hadlay mid walba waxaa uu qabanayo hadii uu ku guuleysto...
Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta caalamka kula hadlayay magaalada Dubai ayaa sheegay in Puntland u madax-bannaan tahay in ay gasho heshiisyo caalami ah sida uu dhigayo ayuu yiri dastuurka dowlad gobolleedka. Madaxweyne Gaas ayaa meesha ka saaray in dowladda Dhexe matali karto guud ahaanba dalka...
Shirkii Amniga Soomaaliya ee ka dhacay magaaladda Garoowe ee u dhaxeeyey wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya iyo madaxda wasaaradaha dowlad goboleedyada ayaa soo gabagaboobay waxaana laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 13 qodob. War-murtiyeedka oo ay ku saxiixan yihiin Wasiir ku-xigeen Amniga Gudaha Dowladda Faderalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo Wasiiradda...
Saynisyahanno Shiinays ah ayaa sheegay in ay qayb ahaan duntay xaruntii ay Kuuriyada Waqooyi ku tijaabin jirtay hubka nukliyeerka ah, taas ka dhigi karta mid aan la adeegsan karin. Xarunta tijaabada ee Punggye-ri ayaa lix jeer lagu tijaabiyay hub nukliyeer ah tan iyo sannadkii 2006-dii. Markii u dambaysay ee tijaabada lagu...
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegtay in ay cadeyneyso heshiiska saxaafadda laga sheegay ee lala galay shirkadda SKA inuusan aheyn mid waafaqsan habraaca dowliga ah ee ay dejisay wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Wasiirka Maaliyada xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa waxa uu sheegay heshiisyada nuucaan oo kale ah...
Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda. Qeybtii hore ee cayaarta waxaa Rigoore loo dhigay aan ka faa’ideysan xulka kubadda Cagta...
Faadumo Maxamuud Ibraahim oo 10 sano jir ah aha ayaa lagu arkay arin mucjiso ah, iyadoo ay indheheeda, dhegeheeda iyo afkaba ay ka soo daadanayaan dhagxaan, magaalada Laascaanood Xarunta gobolka Sool. Gabdhan oo aan wax xanuun ah oo dhiba aanay jirin sida ay waalidiinteed sheegeen ayaa waxa dhibaato ku haya...
Maamul gobolleedka Puntland ayaa marti-gelinaya  shir ku saabsan Xasilinta Amniga Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya oo lagu imartiqaaday mas’uuliyiinta wasaaradaha Amniga Xukuumadda Federaalka iyo maamul goboleedyada ka dhisan dalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeybgali doona wasiir ku xigeenka wasaaradda Amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdinaasir Siciid Muuse iyo wasiirada Amniga maamul goboleedyada...