Xulka Kubadda Cagta Soomaaliya ku matalaya tartanka Cecafa ee cayaartooyda da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa ugu danbeyntii xaqiiqsaday in ay u soo baxeen Finalka tartanka kaddib markii ay 1-0 uga adkaadeen xulka Qaranka Uganda.
Qeybtii hore ee cayaarta waxaa Rigoore loo dhigay aan ka faa’ideysan xulka kubadda Cagta Uganda, tasoo ka dhigtay in wareegga hore lagu kala nasto 0-0.
Hasse ahaatee wareegii danbe ee cayaarta markii leysku soo laabtay ayeey xulka kubadda Cagta Soomaaliya Goolkoodii ugu horeeyay helleen kaasoo uu u dhaliyay Farxaan Duqoow, waxaana uu Goolkasi noqday mid u horseeda cayaartooyda Soomaaliya in ay u soo gudbnaa Lugta ugu danbeysa tartanka.
Horay waxaa ay uga soo badiyeen xulka Kenya 1-0 waxaana muuqata in dhalinyarada da’doodu ka yar tahay 17 sano soo bandhigayaan cayaar xirfad sare leh tartanka oo ka soconaya dalka Burundi.
Waxaana aad u soo Dhaweeyey Dad Farabadan oo ku kala Nool Gudaha Dalka Soomaaliya iyo Daafaha Caalamkaba Waxeyna Dhalinyaradani ugu Danbeyn Ciyaari Doonaan Maalinta Axadda ee Nagu soolka leh Hadii Alle idmo,Iyagoo La Ciyaari Doona Dalka Tuuniisiya,Rajadeenu waa Guul Haddaan Sooli Nahey Insha allaah.
warsom2011@gmail.com









