Wednesday, August 26, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Iyadoo ay sii kordhayaan weerarrada Al-shabaab ay ka geysanayaan gobolka Shabeellaha Hoose, ayuu sheegay maamulka Koonfur Galbeed in Amniga gobolka loo tababarayo ciidamo gaaraya 2, 500 oo Askari. Afhayeenka madaxtooyada maamulka Koonfur Galbeed Nuuradiin (Gacma) ayaa sheegay in gobolka loo qorsheeyay ciidamo gaaraya 2,500 hadana uu socdo abaabul ku aadan...
Wasiirada Arrimaha Dibadda Dowladaha Carabta oo shir ku yeeshay magaalada Qaahira ayaa waxa ay ka hadleen arrimaha ka taagan qaar ka mid ah dalalka Carabta, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xiisadaha ka taagan dalalka Syria, Ciraaq, Falastiin, Libya iyo Soomaaliya. Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Mudane Axmed oo...
Hay’adda Camuud Foundation ayaa maanta dawo iyo agab caafimaad gaarsiisay Isbitalka Madiina iyo Jaamacadaha Muqdisho iyo Baanadir ee Magaalada Muqdisho. Munaasabad lagu wareejinayay Dawo iyo Agab caafimaad ayaa lagu qabtay Xarunta Isbitaal Madiina waxaana ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Isbitaalka. Deeqdan dawada ah oo ay soo...
Wararka naga soo gaaraya degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Wasiiru-dowlihii Amniga Koofur Galbeed lagu dilay qarax miino, xilli kolonyo uu la socday ay ka soo ambabaxeen Garoonka Balli-doogle, halkaasoo uu maanta booqday Madaxweynaha Koofur Galbeed. Wasiirka Qarax ku geeriyooday oo lagu lagu magacaabayay C/qaadir C/raxmaan Cali...
Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo dhaweeyay ilaa 13 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo laga soo celiyay dalka Libya, waxaana garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka. Wariye Ilyas Axmed Guute oo tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sheegay in dhalinyaradan oo gaarayay...
Aqalka Cad ayaa Talaadadi shalay ku dhawaaqay in Gary Cohn oo ah lataliyihii dhinaca dhaqaalaha ee madaxweyne Trump uu is casilayo. Bayaan uu soo saaray Gary Cohn ayuu ku xaqiijiyay is casilaadiisa, isaga oo sheegay in ay sharaf u aheyd inuu door ka ciyaaray dib u habeynta dhaqaalaha Mareykanka gaar...
Waxaa dibeda u soo baxaya khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil. Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen waxaa ay ku dalbadeen in kalsoonida lagala noqdo Wasiirka oo ay ku eedeeyeen in uu wadi waayay...
Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka ayaa ku dhawaaqay lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya, lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Rex Tillerson oo dhowaan socdaal ku tagaya Lix dal oo ka mid ah...
Waxaa soo ifbaxaya khilaaf cusub ka dhax abuurmay guddiga la socodka dib-u-eegista dastuurka ee Labada Aqal iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil. Qoraal ay soo saareen guddiga ayaa waxaa lagu wargaliyay guddoomiyaasha baarlamaanka iyo Aqalka Sare isla markaana lagu ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka ayaa lagu sheegay...
Qeybtii labaad maxaabiis laga soo daayay xabsiyada dalka Libya ayaa ku soo wajahan Magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub u fadhiya dowladda Soomaaliya oo kiiska arrintaan loo xil saaray. Safiir Ali Fiqi, ayaa sheegay 13 dhalinyaro Soomaali ah inay garawsadeen in dalkooda hooyo dib loogu celiyo, islamarkaana ay...