Deegaano Hoostaga Maamulka Puntland oo Diyaarado Duqeyn ka Geysteen,iyadoon Wali La Ogayn Khasaaraha.

0
379

 

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bari ee maamul gobolleedka Puntland ayaa sheegaya in diyaarado kuwa aan duuliyaha laheyn duqeyn ka geysteen deegaan ay ku xoog badan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaalanta degmada Qandala.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in duqeyntan ay ka dhacday Tuulo lagu magacaabo Dhaadaar oo ka tirsan Qandala halkaa oo ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka daacada u ah Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay xalay saqdii dhexe maqleen dhowaaqa duqeyn cirka ah oo lala beegsanayay deegaano ay ku sugnaayeen ururka Daacish.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin duqeyntan oo la sheegay inay fuliyeen diyaardo dagaal. Sidoo kale, ma cadda khasaaraha iyo shaqsiyaadka lala bar-tilmaameedsaday duqayntan.

warsom2011@gmail.com