Maxkamadda sare ee ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale xukun dil ah ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxammed oo horay dil ugu soo xukuntay Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka Sida.
Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed ayaa 18-kii bishii Janaayo ee sanadkan gudaha Dekadda Muqdisho ku dhex dilay taliye ku-xigeenkii ciidanka badda Soomaaliya Siciid Mariino kaddib markii uu muran dhex maray.
20-Bishii February ayaa Maxkamada ciidamada Qalabka sida waxaa ay ku riday Ex, G/sare Cabdinaasir xukun dil toogasho ah,balse uu racfaanka qaatay, balse ugu dambeyn maanta mar kale xukun dil toogasho ah lagu xukumay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida S/guuto Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhowaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Ex, G/sare Cabdinaasir Xoosh Maxamed .
warsom2011@gmail.com










