Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Askari Maraykan ah ayaa badbaadiyay arday badan oo ku sugnayd iskuul ku yaalla gobolka Illinois ee dalka Maraykanka ka dib markii uu arday horay u dhigan jiray uu rasaas ku furay iskuulka, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Saraakiishu waxay sheegeen in Mark Dallas oo ka tirsan booliiska magaalada Dixon in ay...
Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre oo ay wehliyaan Wasiirka Amniga,taliyaha ciidamada Booliiska iyo kan Asluubta Soomaaliyeed ayaa xalay kormeeray qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo deegaannada dulleedka ka xiga. Ra’iisal wasaaraha ayaa warbixin ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee xarumihii uu booqday, kuwaa...
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  hambalyo ku aaddan bilashada bisha Barakaysan ee Ramadaan u diray Muslimiinta oo dhan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Madaxweynaha ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay  in la iscafiyo oo la isku naxariisto islamarkaana la is caawiyo. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay...
Wasiirka Wasaaradda Amniga gudaha dowladda Soomaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaalle ayaa sheegay in qaraxyadii xalay laga maqlay magaalada ahaayeen kuwa macmal ah oo aan aheyn madaafiic run ah. Dadka reer Muqdisho ayaa xalay si wayn u maqlay dhawaqyada wax u eg madaafiic oo magaalada ku soo dhacay, hasse ahaatee dowladda...
Waxaa goor dhaw lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay shirkii madaxda dowlad gobolleedyada dalka. Kulanka oo noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa waxaa ay kaga hadleen arrimaha amniga, siyaasadda federaaleynta iyo arrimo kale. Akhriso war-murtiyeedka :   warsom2011@gmail.com
Rasaas aan badneyn ayaa wali laga maqlayaa Aagaga ay isku hor fadhiyaan ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo maalintii shalay ku dagaalamay deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool. Xalay saqdii dhexe ayaa la sheegay in mar labada ciidan isku adeegsadeen hub culus, hasse ahaatee wixii ka danbeeyay salaadii subax ee saakay...
Qiyaastii 1.2 Milyan oo ruux ayaa lagu waramayaa in ay saameyn adag oo dhinaca nolasha ah ku yeesheen daadad ka dhashay roobab culus oo ka da’ay qeybo ka mid ah dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, Hay’adda World Vision International ayaa sheegtay in daadadka ka dhashay roobabka da’aya saameeyeen guryihii ay...
Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalinkii oo dadka ay sooman yihiin, inta lagu guda bisha Ramadaan. Dowladdaha Muslimka ayaa ayaa xalay fiidkii soo geba gebeeyay raadinta bilashada bisha Ramadaan, waxayna sheegeen in maanta oo...
                    Shirweynaha Qaran ee Daahfurka Dib-u-Eegista Dastuurka, oo ay ka soo qayb galeen qeybo kala duwan ee kala matatalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya Garsoorka, Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka, Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka, Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Gobolka Banaadir,...
War qoraal ah oo ka soo baxay wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobey Michael Keating ayaa ku baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo joojiyo dagaalka deegaanka Tuka-Raq ee gobolka Sool. Dagaal culus oo ciidamo kala taabsan Somaliland iyo Puntland ku dhaxmaray deegaankaas ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen...