Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Dagaal markiisii hore ku bilaawday Al-shabaab iyo dad xoolo dhaqato ah laakiin markii danbe ay ku biireen ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa ka soconaya qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan. Nuur Maxamed Absuge oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa isaga oo ku sugan gobolka Hiiraan sheegay in dagaalladii...
15-ka May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada SYL ayaa lagu wadaa in munaasabado lagu weyneynaayo lagu qeybaha kala duwan ee dalka. Munaasabadan oo siweyn looga weyneeyo gudaha dalka Soomaaliya ayaa ku beegan markii la aas-aasay Ururkii gobanimo doonka Soomaaliyeed ee SYL sanadkii 1943kii. Wasaarada dhalinyarada iyo cyaaraha...
Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ka soconaya maalintii labaad shir ay halkaa ku leeyihiin madaxda dowlad gobolleedyada dalka Soomaaliya. Waxaa shirka jooga oo ka qeybgalaya madaxweynayaasha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi...
  Wasiirka wasaarradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ayaa ka guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya deeq lacageed oo dhan 1.5 million oo dollar oo loogu tala-galay in lagu caawiyo dadka ay fatahaaddu ku dhufatay ee Soomaaliyeed. Dowladda China ayaa sheegtay in ay siweyn uga xun tahay xaalada ay wajahayaan xiligan...
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ka  hadlay sababta dabaaldega 18 may looogu soo raray 15-ka May iyo Guud ahaan taariikhda Somaliland soo martay, waxaanu shacabka ku hambalyey  27 guuradda ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland. Sidoo kale, waxa uu fariin u direy dawladda Soomaaliya oo uu sheegay in hadii midnimadii socon wayday la isku...
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka soconaya shir halkaa maanta uga furmay madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Soomaaliya. Kulanka ugu horeyn waxaa furay Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana shir-guddoonka ah shirka la wareegay Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Gaas oo ah Guddoomiyaha Golaha iskaashiga dowlad...
Mareykanka ayaa sidii oo horay uga dhawaaqay Donald Trump ayaa maanta u raraya saafaradiisa Talviiv magaalada Qudus ee dhulka Falastiiyiinta. Tiro badan oo dadka reer Falastiin ah ayaa maanta isugu soo baxay magaalada Qudus oo maanta lagu wado in uu safaarad ka furto Mareykanka,waloow ay jiraan muran ku aadan tallaabadaasi...
Laba qof oo saarnaa mooto ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday xarun booliis oo ku taal magaalada Surabaya, maalin uun kadib markii ay mawjado qaraxyo ah oo dhimasho badan gaystay ay ka dheceen magaalo kutaal dalka Indonesia. Saraakiil booliis ah ayaa lagu dhaawacay qaraxa, kaas oo dhacay 8:50 saacadda dalkaas,...
Xoogagga Al-shabaab ee ka dagaalama Jubbada Dhexe ayaa warbaahinta u soo bandhigay muuqaalka sarkaal sida ay hadalka u dhigeen ka soo goostay maamul gobolleedka Jubbaland. Sarkaalka la soo bandhigay oo lagu magacaabo Xassan Kheyre Xusseen ayeey sheegeen Al-shabaab in uu ka mid ahaa ciidamada Jubbaland ee tababarka ku soo qaatay...
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar, halkaas  ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadaneysa labo cisho. Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Dooxa ku soo dhaweeyay Wasiirka Gadiidka iyo Isgaarsiinta dowladda Qatar Jassim Sayf Axmed Al Sulayti,...