Taliyaha Hawlgalka Midawga Yurub iyo Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo Ku Wada Qaatey Kulan Magaalada Muqdisho.

0
456

Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho ayaa dhex marey Wasiirka cusub ee Wasaaraddaasi Xassan Cali Maxamed “Amar Dambe” iyo BG Pietro Addis oo ah taliyaha xafiiska howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya gaar ahaan qeybta tababarada.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa ugu horeyn ugu hambalyeeyey wasiirka cusub ee Gaashaandhigga xilka loo magacaabay,iyagoo balanqaaday in ay si dhab ah ula shaqeyn doonaan.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa kala hadlay dardargelinta taageerada ay siinayaan ciidanka xoogga dalka sida,tababarada,qalabeynta iyo talooyin ku aadan arrimaha ciidamada.

warsom2011@gmail.com