Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka oo Shaaciyey Hawlgal ka Dhan ah Al-shabaab.

0
585

Saraakiil uu horkacayo taliyaha howl-galinta ciidamada xoogga dalka General Maxamed Sheekh Madoowe ayaa booqasho ku tagay deegaanka Baar Sanguuni oo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dhawaan ay kala wareegeen Al-Shabaab.

Taliyaha iyo saraakiishii la soctay ayaa booqday deegaanno dhowr ah oo ku yaalla duleedka Magaalada Kismaayo,kuwaasoo ay saameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidamada xoogga dalka Jen Cismaaciil Saxardiid ayaa ugu warbixiyay Taliyaha hogaanka howl-galinta ciidamada goobaha ciidamada xoogga dalka kala wareegeen Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa dulleedka deegaanka Kaban kula hadlay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, isagoona sheegay in loo diyaar garoobay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono tan iyo inta Al-Shabaab laga saarayo gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha hogaanka howlgalinta ciidamada xoogga dalka Jen Maxamed Sheekh Madoowe ayaa ciidamada Kula dar-daarmay in ay shacabka u naxaan, isla markaasna ay ku wargaliyaan Shacabka in ay yihiin ciidamada Qaran oo u taagan difaacooda.

warsom2011@gmail.com