Tuesday, August 25, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadalka soo yeerey dowladda Kenya oo sheegtay in ay Soomaaliya la leeyihiin wada xaajood la xiriira arinta Badda. Wuxuu sheegay in uusan jirin wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen oo ah...
Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdiraxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ay dhinteen 15 ruux kaddib roobab wata dabeylo xooggan oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ay qeybo ka mid ah gobolka. Dadka dhintay ayuu sheegay guddoomiyaha in intooda badan ay ku sugnaayeen deegaannada Lughaya iyo Baki oo ka wada tirsan isla gobolka...
Maxkamadda Racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ayaa maanta Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ku xukuntay saddex sanno oo xadhig ah ka dib markii uu xukunkii hore ee shanta sanno uu racfaan ka qaatay. Maalmihii u dambeeyey waxay dacwadiisu ka socotay maxkamada racfaanka ee gobolka Maroodi jeex ka dib markii uu...
Magaalooyinka Xeebaha ee Berbera iyo Bullaxaar ayaa la sheegayaa inay biyo badan buux dhaafiyeen magaalooyinka dhexdooda, kuwasi oo galifay inay dadkii ka qaxaan guryahooddii. Magaalada Berbera hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii uu guri ku soo dumay, sidoo kale in ka badan sagaal boqol oo qof ayuu barakiciyey...
Wasaaradda Waxbarashada ayaa goor dhaw shaacisay in uu dib u dhacay maanta Imtixaankii shaadiga ee dugsiyada sare oo maalintii shalay la daah furay sababo la xiriira roobab ka da’aya magaalada Muqdisho. Dhamaan Macalimiinta, Kormeerayaasha iyo Ardeyda ka qeybgaleysa Imtixaanka ayaa lagu war-galiyay in maanta uu dib u dhac ku yimid...
Boqortooyada Saudi Arabia ayaa aqbashay sii deeynta in ka badan 1000 Maxabiis ah oo u dhashay dalka Itoobiya Sabtidii shalay, kaddib booqasho labo cisho ah oo uu dalkaa ku tagay ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed. Abiy ayaa Sacuudiga ku jooga booqasho labo cisho ah isaga oo kala hadlaya...
Roobabka iyo dableylaha is wata ee labadii cisho ee la dhaafay ku dhuftay deegaannada ku teedsan Gacanka Cadmeed gaar ahaan waqooyiga Soomaaliya ayaa sababay burburka guryo badan ,iyadoona ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo xoolo ah, sida ay Qaramada Midoobay sheegtay . Qaramad Midoobey ayaa sheegtay in roobabkan culus...
Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee dalka, oo ay maanta u fariisteen 27,600 oo arday. Dugsi 15-ka May oo uu ka dhacayey imtixaanaadka oo si weyn loo adkeeyey amniga ayaa waxaa gaaray Ra’iisul wasaaraha dalka oo ay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir iyo wasiirka...
In ka badan 100 qof ayaa dhimatay ka dib markii diyaarad Boeing 737 ah ay ku burburtay meel u dhaw Garoonka caalamiga ah ee Marti  Havana ee dalka Cuba. Saddex qof ayaa ka badbaaday, laakiin xaalad adag ayay ku jiraan, sida uu wariyay wargayska Cuban Party Granma. Duulimaadkaan ayaa waxaa saarnaa...