Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho ayaa kulan uu la qaatay madaxweynaha Soomaaliya kaddib labada mas’uul waxaa ay shir jaraa’id wada jir ugu qabteen xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in maanta booqasho uu ku yimaado Magaalada Muqdisho Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadda Abiy Ahmed ay tahay mid taariikhi ah oo xoojin doonta xirirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loogu sameeyay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in labadal uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in booqashadiisa ay salku ku heyso sidii loo xoojin lahaa xiriirka labadal.
Sidoo kale waxaa uu xusay in labadal dal ay iskashaadan doonaan la dagaalanka argagixisadda islamarkaana Itoobiya dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonto la dagaalanka Shabaab.
Labada hogaamiye ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis ku aadan dhanka waxbarashadda, Caafimaadka, Ammaanka iyo Kabaayaasha dhaqaallaha.
Dadka Siyaadda Odorasa ayaa Tilmaamey in Xiriirka labada Dal aaney Xilligan Waxba kabadeleyn Booqashooyin ay Madaxda Labada Dal Is Dhaafsadaan Inta ay Jiraan Caqabadaha Amni darro ee ka Imaanaya Mucaaradka Xooggaga Hubeysan ee kasoo Horjeeda Maamulada Ka Dhisan Muqdisho iyo A
warsom2011@gmail.com









