Madaxweynaha Somaliland oo habeennimadii xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay xuska 18ka May oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in marnaba aysan duullaan ku aheyn Puntland iyo magaalada Garoowe.
‘’Annaga waxa aan u socno waa in aan gaarno xudduudaheenna oo ay diidan tahay dowladda Soomaaliya, waxaan leenahay haddii aad diidan...
Wararka ka imaanaya dalka Afganistaan ayaa sheegayaa in qarax qasaare dhaliyay dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay magaalada Kabul ee xarunta dalkaasi.
Saraakiisha amaanka Afganistaan ayaa sheegaya in weerar naftii halignimo ah ah lagu qaaday garoon lagu ciyaaro kubadda cagta,kaasi oo ay ku geeriyoodeen ilaa 8 ruux islamarkaana ay ku...
Roobab dabeylo wata oo saacadihii ugu danbeeyay ka da’ayay deegaanno ka tirsan Puntland ayaa lagu waramayaa in ay sababeen in daadad ku soo rogmadaan qeybo ka mid ah magaalada Qardho ee gobolka Karkaar..
Maamulka gobolleedka Puntland oo horay digniinno uga soo saaray dableylahan iyo roobabka wada socda, ayaa sheegay in...
Saakay oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in guud ahaanba dalka Soomaaliya ay u fariisitaan Imtixaanka Shahaadiga ardey tiradoodu dhan tahay 27 Kun oo magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Waxaa siweyn loo adkeeeyay amaanka xarumaha ay ka dhacayaan Imtixaannaadkan kuwaa oo la dhigay ciidamo Booliis ah.
Goobaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa...
Inta la xaqiijinayo ilaa Sideed ruux ayaa lagu waramayaa in ay ku dhinteen kaddib toogasho qof hubeysan uu Jimcihii maanta ka geystay dusgi sare oo ku yaalla gobolka Texas ee dalkaan Mareykanka.
Madaxweyne Trump ayaa qoraal kooban ku sheegay in hadda xaalada gobolka Texeas oo halka ay mashaqadu ka dhacday...
Labo ruux ayaa ku dhimatay qof kalana waa la la’yahay kaddib markii ay la tageen daadad ka dhashay roobab duufaanno wata oo ku dhuftay qeybo ka mid ah deegaannada Puntland.
Labada qof ee dhimatay ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ruux oo la soctay gaari ka anbabaxay magaalada...
Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay meel ka baxsan qaarada Africa Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Wasaaradda arrimaba dibada Itoobiya ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu martiqaad rasmi ah uu ka helay boqorka Sacuudiga Salman Bin Abdulaziz.
Inta uu ku guda jiro Booqashadiisa Sacuudi...
Dadka ayaa nafis dareemay qeybo ka mid ah magaalada Beledweyne kaddib markii uu Wabigu bilaabay in uu dib u celiyo daadadkii dhawaan ku fatahay magaalada.
Waddada dheer ee dhaxmarta bartamaha magaalada oo meelmihii ugu danbeeyay leysaga gudbayay Doomo ay ku deeqeen gaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa hadda u...
Iyadoo wali uu soconayo gurmadka loo fidinayo dadkii ku barakacay Fatahaada Wabiga Shabeele ee magaalada Beledweyne ayeey Shirkadda Xawaallada Amaana gaarsiisay Boqolaal qoysas ah deeq lacageed oo ka timid Jaaliyaddo Soomaaliyeed.
Deeqdan lacageed oo ka kala timid Jaaliyadaha dalalka Sweden gaarn ahaan magaalada Nesto, Australia magaalada Berto iyo dalka Mareykanka...
Sida ay saadaalinayaan khubarada saadaasha hawada, dabeylo ka kacay gacanka cadmeed ayaa isu beddelay duufaan xoog leh oo saameyn ku yeelatay qeybo ka mid ah xeebaha Somalia.
Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen...


















