Thursday, November 5, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in musuq-maasuq ballaaran oo lagu eedeeyay dad Soomaali ah oo ku nool gobolka Minnesota uu aad uga weynaan karo inta ay baarayaashu hadda heleen. Madaxweyne Trump wuxuu sheegay in warbixinaha la hayo ay muujinayaan $19 bilyan oo la dhacay, balse lacagta dhabta ah...
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda amniga dalka, duulaankii Israel ee qaranimada Soomaaliya, iyo doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Muqdisho. Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga dhageystay warbixin faahfaahsan oo uu Madaxweynaha ka bixiyay xaaladda guud ee dalka. Madaxweyne...
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha batroolka ee dowlad-goboleedyada dalka ayaa soo gabagabeeyay shir socday saddex cisho, kaas oo lagu gaaray is-afgarad mideysan oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo maamulka wadajirka ah ee kheyraadka batroolka iyo macdanta. Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Dahir Shire, ayaa sheegay in shirku uu...
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho Madaxweynihii hore ee dalka, ahna hoggaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran, Shariif Sheekh Axmed. Kulankan oo aan horey loo sii shaacin ajandihiisa ayaa yimid xilli ay jireen kala fogaansho siyaasadeed iyo is-aragtiyo kala duwan oo u dhexeeyay labada...
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu bogaadisay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir qabsoomida doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ka dhacday 25-kii bishii lasoo dhaaday ee December 2025. Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib...
Murashax Madaxweyne – 2026 Prof. Mohamed Issak Idow Cinwaan: Midnimada Qaranka, Dowladnimo Xooggan & Mustaqbal Soomaaliyeed Taariikh: 04/01/2026 Goob: Muqdisho, Soomaaliya Anigoo ah Murashax Madaxweyne ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaan si cad ugu dhawaaqayaa in aragtidaydu ku dhisan tahay midnimo qaran, dowladnimo ku dhisan caddaalad, iyo mustaqbal ay Soomaalidu wada leeyihiin. Soomaaliya maanta waxay maraysaa...
Qaar ka mid ah Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda deegaanada gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid talaabada Israa’iil ay Somaliland ugu aqoonsatay dal ka madax banaan Soomaaliya. Xubnahan isugu jira Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si gaar ah...
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyay howlgallo amni oo ballaaran oo ay dhawaan fuliyeen Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday hogaamiyeyaal sare ee ka tirsan kooxda Al‑Shabaab. Wasiirka ayaa sheegay in shirka...
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ciidammada Maraykanku ay weerar culus ku qaadeen dalka Venezuela, isla markaana ay gacanta ku dhigeen Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, kaddib howlgallo militari oo xalay ka dhacay caasimadda Caracas iyo meelo kale oo dalka ka mid ah. Trump oo qoraal soo dhigay bartiisa Truth...
Puntland ayaa ka soo saartay ciidamadii ugu badnaa ee ka dagaallamayay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu halkaas ka socday howlgal ka dhan ah kooxda Daacish. Ciidamadan ayaa saakay laga soo daadgureeyay deegaanka Turmasaale, oo ka mid ahaa saldhigyadii ugu adkaa ee Daacish,...