Golaha Wasiirada Federalka Soomaaliya oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uga Digay kala Qeybsanaan iyo hadalo warbaahinta Leysu Mariyo.

0
365

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn ka yeeshay xaaladda amniga dalka, duulaankii Israel ee qaranimada Soomaaliya, iyo doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Muqdisho.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa looga dhageystay warbixin faahfaahsan oo uu Madaxweynaha ka bixiyay xaaladda guud ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa golaha wasiirrada ku booriyay in ay si midnimo, wadajir iyo wadatashi ah ku wajahaan xaaladda dalka, isla markaana u adeegaan shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa si gaar ah uga hadlay duulaankii lagu soo qaaday qaranimada Soomaaliya, isagoo sheegay in tallaabooyinka diblumaasiyadeed ee dowladda ay guulo muuqda ka gaartay.

Intii uu socday kulanka, golaha wasiirrada ayaa ansixiyay heshiisyo Soomaaliya la gashay dalal saaxiib ah, kuwaas oo diiradda saaraya iskaashiga amniga iyo gaadiidka badda, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay in lagu xoojinayo xiriirka caalamiga ah iyo awooddeeda istiraatiijiyadeed.

Golaha ayaa sidoo kale meel mariyay hindise-sharci iyo siyaasado cusub oo quseeya dhinacyo kala duwan, sida caddeymaha, ilaalinta xogta dadweynaha, dhismaha machadka badaha, iyo taageerada dadka naafada ah, kuwaas oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin dadaalka dowladda ee dhinacyada amniga, adeegga bulshada iyo horumarinta hay’adaha.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Daahir Shire Maxamed, ayaa golaha ka warbixiyay qorshayaasha soo saarista shidaalka ee dalka, halka Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SODMA) ay golaha ka siiyay xog ku saabsan xaaladda abaaraha, taas oo iftiiminaysa caqabadaha horyaalla iyo sida dowladda ay uga jawaabeyso xaaladaha degdegga ah.

Kulankaan ayaa kusoo beegmay maalmo kaddib markii ay qaar kamid ah golaha wasiiradu ay baraha bulshada isku dhaafsadeen hadalo xanaf leh, arrintaas oo la sheegay inay ka xumaadeen madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.