Wednesday, June 3, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Shir qorshuhu ahaa in maanta lagu qabto Villa Soomaaliya, kaasoo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Badbaadada Mucaaradka, ayaa dib loo dhigay ilaa Arbacada, 13-ka Agoosto, kaddib markii lagu guul darreystay in laga heshiiyo qodobo muhiim ah oo khuseeya mustaqbalka siyaasadeed ee dalka. Wararka laga helayo ilo ku dhow...
Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, Axmed Macalim Fiqi, ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay kadib markii ciidamada dowladda ay la wareegeen magaalada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuu sheegay in ay jiraan quwado shisheeye oo si toos ah u taageeraya kooxda Al-Shabaab. Wasiirka ayaa ku micneeyay hadafka quwadahaan iyo ujeedkoodu yahay in...
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa khasaare weyn kala kulmay howlgalkii lagu qaaday degmada Bariire oo dib gacanta dowladda ugu soo laabatay maalintii Jimcaha ahayd. Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 17 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda (UPDF) ay ku dhinteen howlgalka, waxaana...
Somaliland waxa ka bilaabmay kacdoon lagaga soo horjeedo shirkadaha isgaadhsiinta ee Telesom iyo Somtel kadib markii ay shalay si lama filaan ah kor ugu qaadeen qiimaha adeegga xidhmooyinka internetka ee ay bixiyaan. Labada shirkadood ee Telesom iyo Somtel ayaa ku heshiiyay in ay ku dhawaad libinlaab kordhiyaan qiimaha lagu iibsado...
Xildhibaan Cabdi Ladiif Muuse Nuur (Sanyare), oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa xaqiijiyay in mooshin kalsooni kala-noqosho ah laga diyaarinayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre. Xildhibaanku wuxuu sheegay in mooshinka loo qorsheeyay in la keeno Golaha Shacabka maalinta Sabtida ah ee taariikhdu tahay 23ka Agoosto...
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa galabta si buuxda ula wareegay magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, kadib dagaal culus oo socday muddo toddobaad ah. Howlgalka oo si taxaddar leh loo fuliyey ayaa lagu beegsaday xubno ka...
Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya oo kaashanaya hay’adaha amniga oo garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay 189 Kartoon oo la sheegay in lagu soo qariyay Daroogo noocyo kala duwan ah. Daroogadan lagu qabtay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa la tilmaamay iney isugu jirto kaniiniyaal...
Warbixin cusub oo ay daabacday Financial Times ayaa sheegaysa in shirkadda caalamiga ah ee la-talinta ah ee Boston Consulting Group (BCG) ay diyaarisay qorshe muran badan dhaliyay oo lagu eegayo suurtagalnimada in dadka Gaza qaarkood loo raro meelo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Somaliland. Warbixinta ayaa sheegtay in qorshahan...
Lix qof ayaa ku dhintay kadib markii diyaarad caafimaad oo ay leedahay hay’adda samafalka ee Amref Flying Doctors ay ku burburtay meel u dhow caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi, sida uu sheegay mas’uul sare oo dowladda Kenya ka tirsan. Diyaaradda oo ahayd nooca fudud ee Cessna ka ayaa ka duushay...
Wasaaradda amniga gudaha Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday iney si dhaw ula socoto dhaqdhaqaaqyada xasilooni darada ah ee ka jirta gobolka Gedo. Warsaxafadeed ay soo saartay Wasaaradda amniga ayaa lagu sheegay in xaalada gobolka Gedo ay hurinayaan xubno ay ku tilmaamtay qaswadayaal ah uu amar siiyay madaxweynaha maamulka...