Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa si weyn ugu bogaadisay shacabka ku nool degmooyinka gobolka Banaadir qabsoomida doorashadii taariikhiga ahayd ee Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir ee Muqdisho ka dhacday 25-kii bishii lasoo dhaaday ee December 2025.
Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisiinta ayaa hambalyo loogu diray dhamaan xubnaha ku guuleystay doorashada Golaha deegaanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa doorashadaas ku tilmaamtay mid u dhacday si xur iyo xalaal ah, islamarkaana ku timid biseyl siyaasadeed iyo mid Dimuqraadiyadeed.
“Doorashada waxaa si xor iyo xalaal ah ugu tartamay ururro siyaasadeed oo diiwaangashan, iyadoo ay si weyn uga muuqatay ka qaybgal dadweyne iyo kalsooni buuxda oo lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadeed. Tirada codbixiyeyaasha ka qayb qaatay doorashada waxay caddeyn u tahay rabitaanka shacabka ee ku aaddan in ay si toos ah uga qayb qaataan hoggaaminta iyo go’aan qaadashada heer deegaan” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya
Waxaa sidoo kale Warsaxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta lagu bogaadiyay Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku guuleystay inay si hufan, daahfuran, islamarkaana xirfad leh u maamulaan doorashada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kula dardaarantay xubnaha cusub ee loo doortay Golaha deegaanka gobolka Banaadir iney door muhiim ah ka qaataan horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, kor u qaadista maamul wanaagga, iyo hirgelinta mashaariic horumarineed oo si toos ah u taabanaya nolosha iyo danta shacabka Gobolka Banaadir.
Ugu dambeyntii Wasaaraddu waxay amaan iyo mahadnaq u jeedisay hay’adaha amniga Qaranka, kuwaas oo ay tilmaamtay iney si xilkasnimo, feejignaan, iyo karti leh u sugeen amniga doorashada, taasoo horseeday in geeddi socodka doorashadu si nabad ah, hufan oo guul ah ku dhamaato.
Hoos ka akhriso Warsaxafadeedka kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha oo dhameystiran:-












