Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha batroolka ee dowlad-goboleedyada dalka ayaa soo gabagabeeyay shir socday saddex cisho, kaas oo lagu gaaray is-afgarad mideysan oo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo maamulka wadajirka ah ee kheyraadka batroolka iyo macdanta.
Wasiirka Batroolka Soomaaliya, Dahir Shire, ayaa sheegay in shirku uu si cad u xaqiijiyay mudnaanta midnimada qaranka, wada-shaqeynta dastuuriga ah iyo go’aan-qaadashada wadajirka ah, si kheyraadka dabiiciga ah ee dalka loogu maamulo si hufan, masuuliyad leh, isla markaana ku saleysan danta guud ee ummadda Soomaaliyeed.
“Waxaan mar kale ku heshiinnay in la diido kala-qaybsanaan, lana qaado tallaabooyin isku-duuban oo lagu hubinayo in kheyraadka batroolka iyo macdanta si wadajir ah loo horumariyo,” ayuu yiri Wasiir Dahir Shire.
Intii uu shirku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Batroolka Federaalka iyo wasaaradaha dowlad-goboleedyada, iyadoo lagu heshiiyay, Dhaqangelinta shuruucda, xeer-hoosaadyada iyo siyaasadaha qaran ee batroolka iyo macdanta, iyadoo la ilaalinayo dastuurka dalka.
Sidoo kale Xoojinta ilaalinta xogaha iyo badqabka hawlaha la xiriira kheyraadka dabiiciga ah iyo Kordhinta xirfadaha shaqaalaha iyo kor u qaadista aqoontooda farsamo sida uu Shirkiisi Jaraaid ku sheegay Wasiir Daahir Shire.
Waxay isla xariiqeen In dhammaan hawlaha lagu saleeyo danta guud iyo mas’uuliyadda qaran, Mas’uuliyiinta ka qeyb-gashay shirka ayaa ku tilmaamay wixii kasoo baxay Shirka tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dhismaha kalsoonida, mideynta dadaallada, iyo xaqiijinta in kheyraadka dalka uu noqdo mid si siman uga faa’iideeya dhammaan shacabka Soomaaliyeed.











