Todobaadkan oo La Filayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Booqasho ku Tago Maamul Goboleedka Waqooyi Bari.

0
315

Madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa la filayaa inuu toddobaadkan safarkii ugu horreeyay ku tago magaalada Laascaanood, ee caasimadda maamulka Waqooyi Bari sida ay inoo sheegeen ilo ka tirsan madaxtooyada Waqooyi Bari Soomaaliya.

Booqashadan ayaa imaanaysa toddobaadyo kaddib markii Israa’iil ay aqoonsatay Somaliland, waxaana loo arkaa tallaabo ay dowladda federaalku ku doonayso inay ku xoojiso saameynteeda siyaasadeed ee gobollada waqooyi.

Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in safarka madaxweynuhu uu la xiriiro ka qeybgalka munaasabadda caleemo-saarka madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo xilka loo doortay 30-kii Agoosto 2025.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu khudbad u jeedin doono baarlamaanka dowlad-goboleedka, taasoo loo fasiray fariin ku wajahan Somaliland oo sheegata gobollada Sool iyo Sanaag inay ka tirsan yihiin dhulkeeda.

Haddii madaxweyne Xasan Sheikh safar ku tago magaalada Laascaanood waxay noqonaysaa markii ugu horraysay oo madaxweyne Soomaaliyeed uu halkaas tago tan iyo madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaaarke, oo halkaas lagu dilay booqashadiisii ugu horraysay ee uu ku tagay sannadkii 1969.

Laascaanood ayaa ka baxday gacanta Somaliland sanadkii 2023, kaddib dagaalo socday muddo 8 bilood ah oo uu dhiig badan ku daatay. Sanadkii hore, deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa yeeshay Dowlad Goboleed rasmi ah oo ay Dowladda Soomaaliya aqoonsan tahay.