Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Kaah ee Somaliland, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ku gooddiyay in ay xisbi ahaan horseed ka noqon doonaan in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu waayo doorashada soo socota ee madaxtinimada.
Waxa uu sheegay in ay cid kale adeegsan doonaan si kursiga looga qaado, taas oo loo micneeyay...
Tan iyo markii Israa’iil bilowday dagaalka ka socda Qasa 7-dii Oktoobar 2023, beegsiga saxafiyiinta ayaa noqday mid joogto ah oo u muuqda qorshe la dhisay sida ay sheegtay Al Jazeera. Saxafiyiinta ku sugan Qasa waxay noqdeen badhtilmaameedyo, iyaga oo lagu dilayo weerarro si ula kac ah loogu fuliyo meelaha...
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo uu wehlinaayay Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa maanta kulan gaar ah kula yeeshay magaalada Muqdisho madaxa howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya Danjire El Hadji Ibrahima Diene iyo saraakiil kale.
Kulankan ayaa ahaa mid labada dhinac ay...
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo ah Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga siyaasadeed ee JSP, ayaa si rasmi ah isu diiwaangeliyay doorashada hal qof iyo hal cod ah, waana tallaabo muhiim ah oo uu ku muujinayo taageeradiisa buuxda ee hirgelinta nidaamkaas doorasho.
Is-diiwaangelinta madaxweynaha ayaa kusoo beegmaysa xilli ay...
Intii lagu jiray dood furan oo ku saabsan amniga badda oo ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) qabtay, ayaa Dowladda Soomaaliya waxay adkaysay muhiimadda ay leedahay Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS) oo ah aasaaska isticmaalka badaha dunida si nabad iyo iskaashi ah.
Wafdiga Soomaaliya ayaa sheegay in...
Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dirayso oo isku laynayso ciidan Soomaaliyeed oo aan wax colaad ah ka dhaxayn. Wuxuu sheegay in waxa ka socda gobolka Gedo ay yihiin “dhibaato aan indhaha laga qarsan karin.”
Hadalkan ayuu sheegay saakay, kaddib dagaal culus...
Ciidanka Booliiska Puntland ayaa shacabka deegaanadiisa ugu baaqay inay ka feejignaadaan suurtagalnimada in firxadka Daacish ay ku dhuuntaan bulshada dhexdeeda.
War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidanka Booliiska Puntland ayaa lagu sheegay in ay socdaan howlgallo cirka iyo dhulka ah oo lagu doonayo in lagu ciribtiro haraadiga kooxda Daacish ee ku sugan...
Taliyaha Ciidanka AUSSOM, Sareeye Guud Sam Kavuma, ayaa booqday magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, taas oo dhowaan laga xoreeyay gacanta Al-Shabaab kadib howlgal milatari oo socday laba toddobaad.
Taliyaha ayaa bogaadiyay dadaalka ay muujiyeen ciidamada AUSSOM (oo ay hoggaaminayaan Uganda) iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNAF), isagoo ku tilmaamay guushan...
Puntland ayaa sheegtay in maamulka Waqooyi Bari ee lagu aas aasay magaalada Laascaanood uu wiiqay rajadii shacabka reer Sool iyo reer Cayn ay ku aas aasteen maamulkoodii SSC Khaatumo.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Ilyaas Cilmi Lugatoor, ayaa sheegay in Puntland ay taageersanayd rabitaanka dadka labada gobol ee Sool iyo Cayn...
Wasaaradda arrimaha gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafadeed ay ku sharaxeyso muhiimadda uu leeyahay adeegga dad dhigista iyo tirakoobka madaniga, iyadoo la adeegsanayo hab casriga ah.
Wasaaradda ayaa Warsaxafadeedka ku sheegtay in 10ka Agoosto oo maanta ku beegan in loo asteeyay in Afrika ay xusto maalintaan loo gaarka...


















