Soomaaliya ayaa heshay taageero milatari oo culus kadib markii Turkiga, Masar iyo Serbia ay u direen hub iyo qalab ciidan oo casri ah, taasoo sare u qaadaysa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xilli ay wajahayaan culaysyo amni iyo diblomaasiyadeed oo isa soo taraya.
Saraakiil sare oo ka tirsan militariga Soomaaliya ayaa u xaqiijiyay Wakaaladda Difaaca Turkiga in Turkigu si rasmi ah u gaarsiiyay Soomaaliya hub ciidan oo isugu jira qoryaha askarta, gaadiidka gaashaaman, rasaas, nidaamyada isgaarsiinta iyo hagista hawlgallada (command and control), iyo qalabka aragga habeenkii (night-vision).
Warbixintu waxay intaas ku dartay in taageeradan ay ku soo beegantay xilli la hawlgelinayo cutubyada Gorgor, kuwaas oo ah ciidamo si gaar ah ugu tababartay saldhigga TÜRKSOM ee Turkigu ku leeyahay Muqdisho.
Tani, sida ay wakaaladdu sheegtay, waxay caddeyn u tahay in Ankara aysan ku ekeyn tababar oo kaliya, balse ay si toos ah u dhaqaajisay awood militari oo dagaal iyo hawlgalba leh gudaha Soomaaliya.
Dhanka kale, saraakiisha Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Masar iyo Serbia ay bixiyeen taageero hub iyo qalab ciidan, inkastoo aan la shaacin nooca iyo tirada hubka ay labada dal keeneen.
Arrintan hubka ayaa ku soo aadaysa xilli Soomaaliya ay helayso taageero diblomaasiyadeed oo xooggan oo ku saabsan ilaalinta midnimadeeda iyo dhulkeeda. Boqortooyada Sacuudiga, dalal Carbeed, Islaami ah iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u soo saaray bayaan cambaareynaya booqashadii dhowaan uu mas’uul Israa’iili ah ku tagay Somaliland.











