Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka ee Masar, Dr. Badr Abdel Aati, ayaa maanta Talaadada ah ka qayb galay shirka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika oo lagu qabtay qaab online ah, kadib codsiga Masar, si loo taageero midnimada, madax-bannaanida, iyo badbaadada dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirku wuxuu sheegay in aqoonsiga Israel ee la siiyey waxa loogu yeeddo “Somaliland” uu yahay xadgudub weyn oo ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isla markaana uu khilaafsan yahay sharciga caalamiga, Dastuurka Qaramada Midoobay, iyo Dastuurka aasaasiga ee Midowga Afrika. Wuxuu xusay in talaabadan ay tahay tusaale halis ku ah nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamkaba, islamarkaana loo baahan yahay mowqif mideysan oo taageero u ah Soomaaliya si loo xaqiijiyo amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya iyo Geeska Afrika.
Wasiirku wuxuu sidoo kale adkeeyey in aan la ogolaan karin in laga aamuso tallaabooyinka halista gelinaya xasiloonida qaaradda, kuwaas oo isku dayaya in lagu abuuro xaqiiqooyin siyaasadeed oo cusub oo ka baxsan sharciga caalamiga, Wuxuu xusay in Masar si buuxda u taageereyso madax-bannaanida, midnimada, iyo badbaadada dhulka Soomaaliya, taasoo ah tiir muhiim u ah xasiloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.
Wasiirku wuxuu cadeeyey in aqoonsiga Israel uu kicin karo khilaafaad iyo amni-darro gobolka ka jirta, isla markaana ayIsrael mas’uul ka tahay dhammaan cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan sharci-darrada ah.
Intii uu socday kulanka, wasiirku wuxuu faahfaahiyey tallaabooyinka Masar ee lagu taageerayo madax-bannaanida Soomaaliya kadib markii la shaaciyey talaabadan sharci-darrada ah, iyadoo Masar hogaamisay dadaallo diblomaasiyadeed oo ballaaran si loo helo mowqif caalami ah oo mideysan, taasoo ku dhamaatay bayaan caalami ah oo ay soo saareen 23 dal iyo labo hay’adood caalami ah.
Bayaan-ka ayaa si cad u cambaareeyey aqoonsiga Somaliland ee Israel, isla markaana ku adkeeyey taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, isagoo ku baaqay in Midowga Afrika uu qaato mowqif mideysan oo ka hortaga talaabadan sharci-darrada ah iyo cawaaqib xumadeeda.











