Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay haddii ay ku caddaato boqortooyada Sacuudi Carabiya inay dileen saxafigii la waayey , xilli uu booqanayey qunsuliyadda Sacuudigu uu ku leeyahay magaalada Istanbuul inuu xuman doono xiriirka kala dhaxeeya.
Erdogan , ayaa inta ku daray Sacuudiga inuu sidoo kale dilkan ku waayi doono...
Dable Boliis Maxamed Cabdikariin Cabdullaahi ayaa laga soo qabtay agagaarka jaamacadaha degmada Hodan xilli uu dhac u geysanayay dadka ka soo baxay salaada subax iyo kuwa u sii socday masjidyada ku yaallo xaafadaha degmada Hodan.
Dadka degmada ayaa ku war geliyay gudoomiye waaxeedka xaafadda iyo taliyaha rugta Boliiska, waxa ayna...
Wasiirka Ingiriiska ee arrimaha Africa, Harriett Baldwin, oo booqasho ku timid Soomaaliya ayaa kulan ay magaalada Muqdisho kula yeelatay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Amb. Francisco Madeira waxa ay sheegtay bixitaan waqti hore oo ciidanka AMISOM ay ka baxaan Soomaaliya inay halis gelineyso ammaanka dalka,
Wasiirka Ingiriiska ee Arrimaha Africa...
Dowladda Shiinaha ayaa markii ugu horreeyay shaaca ka qaaday inay baaritaan ku hayaan madaxa hay'adda booliiska caalamiga ah ee Interpol oo la waayey ku dhawaad labo toddobaad kahor.
Saraakiisha Shiinaha waxaa ay sheegeen in Meng Hongwei xabsiga loo taxaabay markii diyaaradii sidday ay caga-dhigatay dalkaasi, waxaana ku socda baaritaan tuhun...
Saddex ruux oo rayid ah ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii koox dabley ah rasaas ku fureen gaari ay la socdeen dad shacab ah inta u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Hobyo.
Qaar ka mid ah dadkii la socday gaariga rasaasta lagu furay ayaa sheegay in marka...
Hanti dhowrka guud ee Qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye). ayaa lagu wadaa maanta oo Isniin ah in uu hortago kulan magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xildhibaannada Golaha Shacabka.
Fadhigan oo ah kii caadiga ahaa oo ay xildhibaannadu yeelan jireen ayaa ajandihiisa wuxuu yahay aqrinta koowaad ee dib u eegista hindise sharciyeedka hanta-dhawraha.
Mudanayaasha...
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee dalalka Faransiiska iyo Jarmalka oo baddalaya danjireyaashii hore ee dalalkaas u joogay Soomaaliya.
Danjiraha Dalka Faransiiska Marwo Aline Kuster-Menager ayaa Madaxweynaha u gudbisay farriiin ay uga sidday Madaxweynaha Dalkeeda Mudane Emmanuel Macron, taas oo...
Safiirka cusub ee Faransiiska ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho,halkaas oo u ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.
Danjire Axmed Ciise Cawad,wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo safiirka Faransiiska ee Soomaaliya, Aline Kuster-enager.
Wasiirka arrimaha dibadda ayaa u...
Kulan magaalada Muqdisho ay maanta ku yeesheen ayaa looga wada hadalay dhac iyo boob baahsan oo rag ku labisan dareyska ciidamada ku hayaan Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn Soomaaliya.
Ganacsatada ayaa sheegay in xaalada suuqa Bakaaraha uu xiligan meel xun marayo, waxa ayna cadeeyeen in Suuqa kusoo bateen...
Maamulka gobolka Nugaal ayaa ka dalbaday musharrixiinta ka qaybgalaya doorashada madaxweynaha ee magaalada Garoowe ka dhacaysa bilowga sannadka 2019-ka inay dhimaan gaadiidka iyo ilaalada la socota.
Guddoomiyaha gobolka Nugaal,Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu'jir) ayaa ka sheegay munaasabad lagu qabtay Garoowe in ilaalada kala duwan iyo gaadiidka ciidanka ee musharrixiinta ay wax...


















