Lix Ruux uu Ku Jiro Sarkaal Ka Tirsanaa Ururka Xamaaz oo Dawladda Israa’iil Toogasho Ku Dishay.

0
430

Lix ruux oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro sarkaal ururka Xamaas ka tirsan ayaa la dilay intii Israa’iil ay hawlgalka ka waday marinka Qaza, sida ay masuuliyiinta Falastiintu sheegeen.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in hal askari laga dilay mid kalana laga dhaawacay intii ay hawlgalka wadeen ciidammada khaaska ah ee marinkaas.

Isku dhaca ayaa ka dhacay bariga Khan Younis oo dhanka koonfurta ku yaalla,Qalabka gantaallada ka diga ayaa ka yeeray koonfurta Israa’iil gantaallo Qaza laga soo ganay ayaana la soo riday

Ra’iisulwasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa go’aansaday in uu soo gaabiyo booqashadii uu ku joogay magaalada Paris ee kaga qaybgalayay xuska 100 guuradii ka soo wareegtay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, fiidnimadii Axadda ayuuna laabtay, sida lagu shaaciyay war ka soo baxay xafiiskiisa.

Afhayeen u hadlay Xamaas oo ah ururka hubaysan ee ku xoog badan Qaza ayaa dhacdadan ku tilmaamay “weerar arxan darro ah oo Israa’iil qaaday.”

Salkaalka sare ee laga dilay Xamaas ayaa la dhahaa Sheikh Nur Barakeh kaas oo taliye u ahaa guutada Izzedine al-Qassam oo ururka u qaabilsan Khan Younis.