Qeybaha iyo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir oo Isbedel Lagu Sameeyey Qaarkood.

0
721

Dowladda Soomaaliya ayaa isbadal kooban ku sameysay qaar ka mid ah taliyayaasha saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir.

Taliyeyaasha isbadalkan uu saameeyay ayaa kala ah taliyayaashii  saldhigyada Booliska H/wadaag, Heliwaa, Yaaqshiid iyo  Dharkeenley ayaa xilka laga qaaday, iyadoo Taliyeyaal cusub la  magacaabay.

Waxaa xilka laga qaaday taliyihii qeybta Galbeed ee Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble, waxaa xilkaas loo magacaabay Taliye Yuusuf Xundubey oo horay u ahaa kuxigeenka qeybtaad.

Sidoo kale waxaa la magacaabay talisyad qeybaha gobolka Banaadir, iyadoo loo magacaabay rag dhalinyaro ah oo ka tirsan Taliska Booliska.

Lama oga in talaabadan ay dowladdu qaadatay jawaab u tahay fal celinta qaraxyadii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho Jimcihii aynu soo dhaafnay, kuwaa oo galaaftay nolasha dad ka badan 50 ruux.