Guddoonka Aqalka sare ayaa sheegay in dowladda dhexe u muuqato in ay caga jiideyso wada hadal lagu dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada oo horay ugu dhawaaqay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe.
Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa sheegay in ergo ka tirsan Aqalka sare oo...
Waxaa soo ifbaxaya shaki durbaba qaar ka mid ah wadamada reer Galbeedku ka muujinayaan fasiraad Boqortooyada Sacuudiga ay ka bixisay habka uu u dhacay dilka Wariye Jamaal Khashoggi .
Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan su'aalo badan oo aan wali laga jawaabin.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le...
Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in maanta halkaa looga dhawaaqay madaxweyne cusub oo uu yeelanayo maamulka Galmudug oo loo doortay Axmed Maxamuud Xassan
Waa qeyb ka mid ah khilaafka waayadii ugu danbeeyayba ka dhax taagnaa maamul gobolleedka Galmudug oo hadda u muuqda mid...
Shirka madasha wadatashiga dowlad-gobolleedyada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu ka furmo Axadda berri ah magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, halkaas oo ay ka socoto qaban qaabada lagu soo dhaweynayo hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa goor dhow ka ambabaxay magaalada Gaalkacyo, isagoo safar dhulka ah ku tagaya magaalada...
Wasiirka wasaarrada Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in ku dhawaad 400 oo ardey Soomaaliyeed ah ku xanniban yihiin dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa sheegay in arintan ardeydaasi u xanniban yihiin tahay kaddib markii ay ay dowladda Turkiga diiday aqoonsiga Jaamacadaha ay ardeydaasi ka soo...
Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weeraray Markab laga leeyahay Hong Kong ,kaa soo mareeyay xeebaha Bari ee Soomaaliya toddobaadkaan, waana qeyb ka mid ah khataraha wali taagan oo ay burcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha ganacsi.
Weerarku wuxuu dhacay Talaadaddii, Oktoobar 16-keedii, markii koox ka kooban afar burcad-badeed oo...
Ciidan gadoodsan ayaa xiray waddada aada xarunta madaxtooyada Puntland iyo xarumaha wasaaradaha ee duleedka magaalada Garoowe, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha saacadihii hore ee Sabtida.
Ciidamadda oo aan tiradooda la sheegay waxaa la sheegay inay ka cabanayaan mushaar la'aan , waxaana ay gadiidka iyo dadweynahaba ka hor istaageen inay...
Dowladda Saudi Arabia ayaa ugu danbeyntii shaacisay dilka wariye Jamaal Khashoggi, hasse ahaatee Boqortooyada ayaa sheegtay in uu ku dhintay dagaal dhaxmaray isaga iyo dad ku sugnaa gudaha Qusuliyadooda magaalada Istanbul, laakiin dowladda Saudi Arabia ma aysan sheegin halka uu ku danbeeyay meydkiisa.
Wakaalada Wararka Saudi Arabia ayaa sheegtay in...
Xukuumadda Washington ayaa shaaca ka qaadday in ay albaabbada isugu dhufaneyso qunsuliyaddeeda guud ee ku taalla magaalada Qudus, taasoo ka shaqeyneysay arrimaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee howlaheeda loo weecin doono safaaraddooda cusub ee magaalada Qudus, sida uu ku dhawaaqay xog hayaha Arrimaha Dibedda.
Mike Pompeo ayaa sheegay in go’aankan ay horseedeen...
Dood ay ka qeybgaleen ilaa 150 qof oo ay soo qabanqaabisay madasha Talo-wadaag ayaa looga hadlay xiriirka dowladda dhexe iyo dowlad gobolleedyada qeybta ka ah oo waayadii ugu danbeeyay xumaa.
Qeybaha kala duwan ee ka qeybgalay doodda ayaa isugu jiray, bulshada sida Golaha Shacabka, Aqalka sare, Gudiyada Qaranka, Golayaasha Maamul...


















