Xukuumadda Federalka Soomaaliya oo Qiratey In ay Ka Qayb Noqatey Duqeyn Laga Fuliyey Mar Kale Gobolka Mudug.

0
580

Dowladda Soomaaliya gaar ahaan War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu sheegay Ciidmada Amniga oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah in ay Mar kale weerar qorsheysan ay ka fuliyeen fariisimo Al-shabaab ku la haayeen Gobolka Mudug.

Warsaxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

“Ciidmaada Qaranka oo taageero Ka helaya Mareykanka ayaa markale maanta hawlgal Ka dhan ah Alshabaab Ka fuliyay Gobalka Mudug.

Hawlgakaan ayaa qayb Ka ah dadaalka ay Dawladda Soomaaliya kor ugu qaadayso Badqabka Bulshada Soomaaliyeed laguna wiiqayo Shabaab.

Howalgalkaan waxaa lagu dilay Lix Shabaab ah mana jirto qasaare gaaray Shacabka.

Dawladda iyo Saaxiibadeed weey sii wadayaan Dagaalka Ka dhanka ah Alshabaab meel kasta oo ay Soomaaliya kaga suganyihiin”.

Dawladda Soomaaliya ayaa Hadda Ka Hor Sheegan jirin Duqeymaha Cirka oo Meelo Badan Dalka Gudihiisa Ka Dhaca,iyadoo ka gaban Jirtey in Ay Sheegato,Maadaama ay Dad Rayid aan waxba Galabsan Dhibaato kasoo Gaari Karto,Hadase Lama Oga Waxa Keenay Sheegashadan Duqeymaha La Xiriirta.