Nidaamka Is Dhex Galka Geeska Africa oo Madaxweynihii Hore Xasan Shekh Maxamuud Kasoo Horjeestey.

0
417

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamed uu ayaa si adag uga horyimid ololaha siyaasadeed ee ka socda Geeska Africa, gaar ahaan isku soo dhawaashiyaha siyaasadeed ee dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Xassan Sheekh ayaa ku tilmaamay tallaabo lagu deg degayo waqtigan islamarkaana suurtagal aheyn in Soomaaliya iyo Itoobiya ka midoobaan dhinaca siyaasada, madaama ayuu yiri Soomaaliya wali dowladnimadeedu bislaanin arintaa iyada ah.

‘’Mida aan maanta la bilaabi karin waa mid siyaasada, maanta annaga iyo Itoobiya siyaasadaan ka midoobeynaa ma dhihi karno waqtiggeedi ma’aha, dalkan marka uu dego uu dowlad micno leh yeesho oo dowladdiisu dowlad degan oo adag noqoto markaa kaddib waa la oran karaa bal siyaasada-na aan ka midoowno laakiin hadda ma’aha’’ ayuu yiri Xassan Sheekh Max’uud.

Laakiin waxaa uu sheegay in dhinaca dhaqaalaha iyo xiriirka ganacsiga si taxadar leh looga wada hadli karo, waxaana uu meesha ka saaray in xudduudaha labada dal markiiba leysku furo, iyadoo laga duulayo is dhax-galka ganacsi iyo dhaqaale.

‘’Laakiin tan dhaqaale iyo masaaliixda kale ee ganacsiga wada hadalkeeda waa la bilaabi karaa, taas laftirkeeda ayaa u baahan taxadir iyo in aan lagu soo boodin xudduudihii waa la furay iyo is dhaxgal deg deg ah ’’ ayuu yiri Xassan Sheekh.

Dhinaca kale ayuu sheegay in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka been sheegtay ,islamarkaana korarka dhaqaallaha Soomaaliya uu soo bilowday Sanadkii 2013-kii waxii xilligaasi ka dambeeya sanadba sanadka ka dambeeyay laga sameeyay horumaro kala duwan.

Waxaa uu ku dhaliilay dowladda in ay siyaasadeysay dhaqaallaha dalka, loona baahanaa in dadka Soomaaliyeed runta loo sheego oo dib loogu laabto kororka dhaqaallaha ee soo bilowday sanadkii 2013-kii.