Deegaanka Dhumay oo ka tirsan gobolka Sool waxaa wali ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa labo maleeshiyo beelleed, waxaana dagaal shalay ka dhaxmaray labada dhinac ku dhintay in ka badan 30 ruux.
Ilaa iyo hadda ma jirto waan waan laga dhax wado dhinacyada iska soo horjeeda, waxaana ay dadku...
Dowladda Soomaaliya ayaa war deg deg ah ka soo saartay khilaafka kala dhaxeeya madaxda dowlad gobolleedyada, kaddib war-saxaafadeed ka soo baxay wasaarrada arrimaha gudaha.
War ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weli ay sideedii tahay gogoshii uu fidiyay Madaxweynaya 8-dii bishii September ee uu isugu yeeray maamul goboleedyada,...
Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng;Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyey in aanu dalka hogaamin Karin, isla markaana ku baaqay hadii uu xal ka gaadhi waayo khilaafka guddida doorashooyinka ay shir tallo qaran la iskugu iman doonno.
Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay arrimaha la isku...
Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay guddiga doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Guddigan ayaa ka kooban 27 xubnood, waxaa magacaabay guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed CabdulQaadir Shariif Sheekhunaa oo horgeeyay xildhibaannada si ay u siiyaan codka kalsoonida.
Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la qaban doonaa 17 bisha...
Madaxwaynaha Marekanka, Donalda Trump ayaa wariyayaasha u sheegay in Ruushka uu jabiyay heshiiskii 1987 ee dhanka niyukleerka oo ay horey u wada galeen dowladaha Ruushka iyo Mareykanka.
Trump ayaa ka dhawaajiyay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiska oo mamnuucayay gantaal-rakibo dhexdhexaad ah, oo leh tiro u dhaxaysa 500 ilaa 5,500km...
Koox hubaysan ayaa toogasho ku dilay labo macallin oo ka mid ahaa maamulka Iskuulka Al Furaat ee degmada Yaaqshiid,sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.
Weerarka ayaa ka dhacay degmada Huriwaa, waxaana labada macallin la dilay lagu kala magacaabi jiray Sayid Maxamed Xasan iyo Maxamed Maxamuud Xasan.
Kooxda dilka geysatay oo ilaa hadda...
Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa toddobaadkan ku sugan magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska.
Dr Bayle ayaa inta uu joogay London, waxaa uu khudbado ka jeediyay Jaamacadda Oxford iyo machadka Chatem House ee magaalada London, isagoo ka war-bixiyay horumarinta hannaanka Maaliyadeed ee Soomaaliya iyo...
Madaxweynaha Marekanka,Donald Trump ayaa ka soo horjeestay sida ay xukuumadda Sacuudiga u shaacisay dilka wariye Jamaal Kaashogji.
Trump oo ah nin ku dhow qoyska boqortooyada Sacuudiga ayaa yiri "Aniga kuma qanacsani warbixinta,inta laga helayo jawaab cad" , isagoo inta ku daray inay suuragal tahay in dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan...
Shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa la filayaa goor dhow inuu ka furmo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas oo ah guddoomiyaha madasha ayaa lagu wadaa inuu shirka furo,kaaso oo ay ka qaybgalayaan hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Galmudug.
Balse madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaanan ka mid ahayn...
Wasiirka hore ee wasaarrada Amniga gudaha islamarkaana ah xildhibaan ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay ciidamada Booliiska Soomaaliya dil iyo barakicin ku hayaan qaar ka mid ah dadka degan degmada Wadajir gaar ahaan degmada Nasteexo.
Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ku dileen xaafadda dad rayid ah...


















