Friday, August 21, 2026

Wararka Caalamka

ka dheeho oo ka daalaco warar xaqiiq ah shabakadda wararka ee www.warsom.com

Saacadaha soo socda ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho soo gaaraan wafdi uu horkacayo Wasiirka Difaaca dalka Turkiga, waxaana soconaya qaba-qaabada soo dhaweynta wafdiga. Wafdigan waxaa kamid ah taliyaha ciidamada xoogga dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA. Wasiirka Difaaca dalka Turkiga iyo Saraakiil ka tirsan dowladda dalkaasi ayaa maanta...
Ilhaan Omar ayaa noqoneysa qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo Qaxootinimo ku taga dalkaasi Mareykanka oo ka mid noqota Aqalka Congress-ka, waxaa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Waxaa ay badashay Ilhaan Cumar Keith Ellison oo ahaa muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo...
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa si kulul u cambaareeyay faragelin lagu haayo doorashada Koofur Galbeed, iyagoo soo dhoweeyay go’aankii xubno ka mid ah Guddiga doorashada Koofur Galbeed isku casileen. Qoraal ka soo baxay War ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa lagu sheegay in Golaha ka digayo faragelin qaawan...
Iyadoo uu soo ifbaxay khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashada maamulka Koonfur Galbeed, dhinaca kalana maamul Puntland uu isku diyaarinayo doorasho madaxwyne, ayaa arrimahan war ka soo saaray madasha Talo-Wadaag oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin horay xilal uga soo qabtay dalka.   War-murtiyeedka ayaa u dhignaa sidan : WARMURTIYEEDKA Dood Qaran...
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ahna Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng.Yariisow) ayaa xariga ka jaray Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada ee Jaamacadda Jobkey oo ah Machad casri ah oo laga howlgeliyey Muqdisho. Munaasabadan oo aheyd mid si weyn loo soo qaban-qaabiyey ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin kala duwan, xildhibaano ka...
Wararka ka imanaya xaafadda SOS ee degmada Huriwaa ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM toogasho ku dileen Afar ruux oo rayid ah kaddib markii sida la sheegay subaxnimadii hore ee saakay qarax lala eegtay. Qof Goojooge ah oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in afarta qof ee la...
Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in uu khilaaf xoog leh uu soo kala dhaxgalay guddiggii doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed kaddib markii ay shalay is casilee inta badan xubnihii guddiga. Cabdiwahaab Sheekh Mad Cabdkariin oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashada ee is casilay...
Xildhibaannada golaha shacabka oo maanta ku shiray xarunta golaha ayaa maalintii labaad akhrin marsiiyay sharciga hay'adda Naafada Qaranka. Guddoomiyaha golaha Shacabka,Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa shir guddoomiyay kulanka 22-aad ee kalfadhiga 4-aad ee golaha oo ay goobjoog ahaayeen 139 xildhibaan ayaa guddiga xuquuqul insaanka ee golaha shacabka waxa ay ku...
Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha ee dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Xildhibaan Carfo Ibraahin Aadan ayaa xilka goor dhow iska casilay,sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha. Carfo, waxaa uu sheegay sababo u gaar ah in uu xilka isaga casilay, ma jirto faahfaahin inta ka badan oo uu bixiyay. Guddiga doorashada madaxweynaha Koonfurgalbeed ayaa maanta howlahooda...
Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya,Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu waheliyo Ergeyga Midowga Afrika ,Francisco Madiera ayaa maanta soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Haysom iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa xarunta madaxtooyada Galmudug ee ku taalla koonfurta magaalada Gaalkacyo, waxaa ay kulan gaar ah kula...